Somaliland Waxa Ay Halis Ugu Jirtaa Inay Marto Tubtii Jamhuuriyadaha Muuska:- Qalinkii: kamaal Axmed Cali

10
265

 

DSC08727Waa maxay jamhuuriyadda muusku?

Waa hubaal in dad badani is weydiin doonaan sababta isu keentay Muus oo ah cunto aynu wada naqaanno iyo siyaasad, laakiin xikmad fog ayaa ku jirta in muusku magac ahaan soo dhex galo erey bixinaha siyaasadda.

Magaca Muus waxa uu noqday nooc cunto kii ugu horreeyey ee si xiiso leh u dhex gala erey-bixinaha siyaasadda, waxa aanu erey bixinta guud ee siyaasadda ku soo biiray markii, qaar ka mid ah dalalka koonfurta Ameerika ay ka dhasheen jamhuuriyado taladooda dawladnimo iyo jaangoynta siyaasadahooda ay gacanta ku hayaan kooxo beeraleyda muuska ah oo ay iskaashi adag lahaayeen siyaasiyiinta talada haya.

Waxaa is dhex galay siyaasaddii iyo ganacsigii waxaana si qaldan awooddii qaran u qabsaday kooxdaas. Arrintaas oo meesha ka saartay danayntii ay dawladda ka filan lahaayeen dadka danyarta ah iyo muwaadiniintii aqoonta u soo bartay dalkooda. Jamhuuriyadda Muusku waa dal xasiloonidiisa siyaasadeed iyo deggenaanshiyaha dhaqaalihiisu ay ku xidhan yihiin koox tiro yar oo ah maalqabeen iyo ganacsato. Waxaa ka jira nidaam xidh-xidhan, oo ay dad gaar ahi ku fushadaan inta badan ee danahooda ganacsi iyo dhaqaale.

Ciddii ugu horreysay ee magaca ah jamhuuriyadda Muuska isticmaashaa waxa ay ahayd qoraagii caanka ahaa ee Maraykan Mr. O. Henry (William Sydney Porter, 1862 – 1919), waxa aanu ku sharraxay in ereyga Banana Republic oo macnihiisu yahay Jamhuuriyadda muuska, looga jeedo dal aan siyaasiyan xasiloonayn, dhaqaalihiisuna ku tiirsan yahay wax soo saar xaddidan oo dhinaca beeraha ah. (gaar ahaan muuska), waa dal ay maamulaan dad tiro yar, maalqabeen ah, ku dhaqma musuqmaasuq siyaasiya, kuna macaamila habka loo yaqaanno (Plutocracy) oo macnaheedu yahay nidaam dawladnimo oo ay talada iyo jaan goynta siyaasadda iska leeyihiin dadka maaqlabeenka ahi.

Maxaa innaga khuseeya?

Somaliland waa dal weli curdin ah oo ay wax yaabo badani ka qaybyo yihiin, laakiin marka dib loo raaco hab-socodka horumar ee ay ku hano qaadday muddadii labaatanka sano ahayd ee dhalashadeeda ka dambaysay, iyada oo lala eegayo duruufaha gudaheeda ka jiray iyo waayahay ku xeeran, waxaa la dareemi karaa in ay qaadday tallaabooyin aad u dhaadheer oo haddii looga warramo ama uu arko aqoonyahanka ku dhaqan dal ka mid ah dalalka horumaray oo isagu la kowsaday hillaaca iyo horusocodka ka jira dalkiisa uu ku tilmaami lahaa in ay mucjiso tahay. Waa marka aynu eegno amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada intaba.

Si kastaba ha ahaato ee marka uu dal sida Somaliland curdin ahi tallaabo qaadayo waxaa inta badan soo baxa arrimo badan oo haddii aanu inta uu yar yahay la qabsan ama laga taxaddarin mustaqbalkiisa ku noqda masiibo aanu iska fujin karin. Aynu ka soo eegno dhinaca dhaqaalaha oo ah ka uu mawduuceenu ku waajahan yahay:

Dhaqaale:

Marka aynu dhaqaale qeexayno sida ugu kooban ee aynu u sheegi karnaa waa, ‘hab-sami u maamulista ilaha dhaqaale oo mar kastaba ka yar baahiyaha jira, sii loogu filnaysiiyo baahiyaha jira ee aan xadka loo yeeli karin’

Masuuliyadda dawladnimo ee horumarinta dhaqaalaha:

Masuuliyadaha lama dhaafaanka ah ee dawlad saarani waa in ay ka shaqayso horumarinta dhaqaale iyo kobcinta nolosha bulshada ay xukunto, waa in ay abuurto qorshayaal cad oo qeexaya ujeedooyinkeeda dhow ee xasilinta dhaqaalaha iyo kuwa fog ee ay ka leedahay horumarinta dhaqaalaha oo ay ka mid tahay in la kobciyo dakhliga fardiga muwaadinka ah iyo wax-soo-saarkiisa, waajibaadka dhaqaale ee dawlad laga rabo waaxaa ka mid ah in ay dejiso hannaan hufan oo muwaadiniinta dib loogu soo celinayo cashuurtii laga qaaday iyada oo loogu beddelay adeegyo tayo leh.

Haddaba si ay dawladda ugu suurtogasho in ay kaalinteeda masuuliyadeed ka ciyaarto horumarka dhaqaale ee dalka waxaa la gudboon, in ay ka shaqayso kobcinta heerka nololeed ee bulshada iyo in ay abuurto nidaam dhaqaale oo sal leh si aanay duufaannada kala duwan u wax yeellayn iyo si aanay u dhicin cadaalad darro bulshada dhexdeeda ahi.

Xorriyadda suuqa:

In suuqa ganacsi oo ah kan dhaqaalaha saldhigga u ahi uu noqdo xor waa arrin cilmiyan la ogaaday in ay sees u tahay horumarka ay gaadhay dunida maanta aynu haybsanaynaa, laakiin haddana taas macnaheedu muu noqon in ganacsiga iyo dhaqaaluhu dibadda ka taagan yahay xayndaabka awoodaha ay leedahay dawladdu. Waayo maamulka aynu bulsho ahaan dooranno ayaa aynu u xil saarnaa in ay iyagu maamulaan nidaamkeenna adduun oo dabcan arrimaheenna dhaqaale kow ka yihiin.

Dawladda dal leeyahay waxaa la gudboon in ay iyadu is waafajiso xoraynta suuqa iyo haddana ku ilaalinta in aanu suuqa iyo ganacsigu guud ahaanba ka bixin gacanta shuruucda dalka. Waa in uu jiraa heer farogelineed oo ay tahay in ay dawladdu mar walba ku hayso dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka, taas oo ay ka siman yihiin labada nidaam dhaqaale ee kala ah hanti-wadaagga oo ku dhisan in la xoojiyo gacanta ay dawladdu ku leedahay dhaqaalaha iyo hanta-goosadka oo ku dhisan in la xoojiyo gacanta ay bulshada rayidka ahi ku leedahay dhaqaalah ahna ka aynu innagu qaadannay.

Dawladda curdinka ahi haddii aanay nidaamkeeda dhaqaale ku eegin kun indhood, isla markaana aanay dhaqso uga siibin qodax kasta oo ka hortimaadda inta uu socod baradka yahay waxaa dhaca qaladaad aan abid dib loo sixi karin ama ay ugu yaraan bulshadu dib u sixitaankiisa ku waydo wax badan, waayo khubarada dhaqaaluhu waxa ay aaminsan yihiin in isu-dheellitirnaanta dhaqaale oo ka lunta dalku ay sabab u noqoto dhaqaalaha dalka oo burbura, lacagta oo qiimo beesha iyo horumarka dhaqaale ee bulshada oo kor-u-kac samayn waaya.

Isu dheelli-tirnaan la’aanta dhaqaale meelaha ugu horreeya ee ay ka bilaabantana waxaa ka mid ah, dhaqaalaha oo gacanta u gala dad tiro yar, iyada oo bulshada intii badnayd weli dhulka la siman tahay. Waa in dawladi ka taxaddarto in uu dalkeeda ka dhaco kala kac dhaqaale oo ah in bulshadu ay u qabsanto dabaqado, laakiin habaarka intaaba ka weyni waa in siyaasadda iyo dhaqaaluhu isku milmaan.

Waa hubaal in dad badani ay ku doodi doonaan in ay adag tahay kala fogaynta siyaasadda iyo dhaqaalaha, ama ay tusaalayaal u soo qaataan quwado waaweyn oo caalamiya oo dhaqaalahooda iyo siyaasaddoodu saaxiib yihiin, waanay saxan yihiin, laakiin khatarta ugu weyni waxa ay tahay marka uu dhaqaaluhu siyaadda maamulo, dalkuna yahay mid ilihiisa dhaqaale kooban yihiin isla markaana nidaamkiisu curdin yahay, ama sida Somaliland ay miisaaniyadda qarankuba le’eg tahay raasamaalka sannad laha ah ee maqaaxi yar oo ku taalla dunida horumartay.

Waxaa dasha nidaam la mid ah, kaa ka jiri jiray koonfurta Ameerika ee gaadhay heer dalalkaas loo bixiyo jamhuuriyadaha muuska, waxaana dalkaas ka hirgala nidaam ah in dalku u jihaysmo hadba halka ay doonayaan dad tiro yar oo u danaynaya jeebkooda iyo xasiloonaanta ganacsigooda. Waa nidaam khatar ah oo lagu magacaabo, “Kleptocracy” oo ah nidaam dawladnimo oo ay talada gacanta ku hayaan koox yar oo tuug ah, waxa ay saamayn weyn ku yeeshaan shaqaalaha dawladda oo ay inta badan iyagu magacaabeen ama wasto ka ahaayeen taas abaalkeedana ku doonayaan laaluush, naas-nuujin gaar ah oo dhaqaale, qandaraasyo looga eexdo ganacsatada kale, cashuur dhaaf, xeer jajab iyo boqolaal qalad oo uu dalku ku waayo dhaqaale badan ama muwaadiniinta uu ka soo gaadho dulmi tiro badani.

Nidaamkani waxa uu abuuraa dawlado aan dadkoodu la xisaabtami karin, maadaama oo cidda dhab ahaan madaxda kursiga ku illaalinaysaa aanay ahayn codka shacabka ee ay tahay lacagta maalqabeenka, oo u fududaynaya ku shubashada iyo iibsiga codka muwaadinka.

Somaliland:

Weli xaaladdu ma’ay gaadhin heer laga dayriyo laakiin maankaygu waxa uu i siinayaa in aynu cagta saarnay tubtii jamhuuriyadaha muuska, qasab ma’aha in ganacsatada siyaasadda gacanta ku dhigaysaa yihiin beeraley, waayo innagu maba lihin ganacsi beereed, laakiin waxaa muuqda saansaan uu eeg kii la fogaaday jamhuuriyadihii muuska, oo ah ganacsato kala duwan oo kala ahdaaf iyo ujeedooyin ahi in ay ku loolamayaan inay gacanta ku dhigaan hadba kooxda haysa hoggaanka siyaasiga ah ee dalka. Waa ganacsi ku dhisan lacag hel oo ka fogaaday tubtii ganacsi ee saxda ahayd oo uu iyada uu saldhig u yahay hal-ku-dheg ah, lacag samee.

Ciddii la socotay siyaasadda Somaliland ee tobankii sano ee u dambeeyey, ama haddii aan si qaawan u idhaahdo siyaasadda dhaqaale ee labadan madaxweyne ee u dambeeyey, waxaa la dareemayaa ganacsato loolan ugu jirta in ay helaan qandaraasyo dawladeed oo aanay cidi kula tartamin, waxaa soo kordhay tirada ganacsatada u halgamaysa in ay helaan faa’ido tobanaan jeer ka badan, xattaa ta ay helaan shirkadaha dunida horumartay ugu waaweyn, waxa aynu mar walba maqalnaa shirkado ka shaqaynaya in aanay cid kale suuqa la soo gelin iyo kuwo ku mamay kooto raadis iyo in ay xuurto iskaga qabtaan muwaadin kasta oo ay ka dareemaan laab la kac ganacsi.

Dhammaantood waxa ay halis ku yihiin horumarka dhaqaale ee dalka, haddii aan socod baradka lagu waabinna waxaa ay gaadhi doonaan heer ay Somaliland kala mid dhigaan jamhuuriyadaha muuska, meel fog ha ka eegin jamhuuriyadaha muuska, waayo durba waxaa soo baxaya calaamado aynu wadaagno, tusaale ahaan astaanta ugu weyn ee ay jamhuuriyadaha muusku ku caan baxeen waxa ay ahayd, in ganacsatada muusku ay iibsadaan codka golayaasha sharci dajinga si ay u marsadaan shuruuc iyaga u dan ah, ama xeerar madaxweynaha ay rabaan kursiga ku sii haynaya, habkaas oo aynu qudheennu ku caan baxnay sannadahan dambe ulana baxnay magacyo uu ka mid yahay, dhaameel iyo gole hebel ayaa la mustafeeyey.

Muhiim ma’aha in hebello la sheego, waayo waa wax u eeg nidaam ay ka siman yihiin ganacsatada waaweyn ee waxa ay ku kala dheereeyeen yahay keliya sida ay ugu kala xariifsan yihiin waxa aan u bixin karo, Dhaqaale-siyaasadeed ama ugu kala dhow yihiin hadba kursiga sare.

Meel fog ha ka dayin:

Waxaa laga yaabaa in akhriste aad naftaada weydiiso sida la isugu xidhi karo nidaamkeenan iyo nidaamkaas siyaasadda muuska, laakiin marka aad sidaa u fikirayso waxaa suurtogal ahi n aad ku mashquushay magaca oo keliya oo aanad ila fahmin in magaca jamhuuriyadda muusku aanu ahayn mid ku dheggen nidaamkan, waa nidaam ballaadhan oo magacyo kala duwan qaadan kara, tusaale dhow, oo laga yaabo in aad iga xog-ogaalsan tahay ayaa ah waxa ka dhacay dalka Masar, oo galaaftay madaxweynihii iyo dawladdii oo dhan, dalkiina hadda dib ugu celiyey xaalad dhaqaale oo liidata.

In kasta oo dadka reer Masar aad u tiro badan yihiin haddana ilaha dhaqaale ee haddii si fiican loo maamulo ku filnaan lahaa aad ayaa ay u badan yihiin, waa dal dalxiiska uu dakhli xad dhaaf ahi ka soo galo, waxaa dibadaha dalka ka shaqeeya oo lacag ku soo celiya dalka Masaari ka badan 3 Milyan, waa dal gaas leh oo dhoofiya, waa dal isagu qaata saamiga ugu badan ee biyaha webiga, dalkiisuna leeyahay wax-soo-saar beereed oo fiican, waa dal Maraykanka ka hela kab-miisaaniyadeed ah kan saddexaad ee ugu badan dhaqaalaha uu Maraykankau bixiyo, waa dal dadkiisu u badan yihiin aqoon yahay awood u leh shaqo abuuris, waa dal dhaqaale buuran ka hela kirada warbaahinta satellite-ka. Haddana waa dal faqrigu xad belay oo in ka badan boqolkiiba 30 dadkiisa ay noloshoodu ka hoosayso halbeegga ugu hooseeya ee loo asteeyey faqriga.

Dhibta oo dhami waxa ay ka dhacday siyaasaddii iyo ganacsigii oo saaxiibtinimo adagi dhex martay, ilihii dhaqaale ee dalka ee loo qaybin lahaa kumaanka kun ee muwaadin waxaa meel kasta kilin-killada gashaday shakhsiyaad la saaxiib ah qoyska talinayey, taas oo sababtay in dakhligii dalka, in ka badan boqolkiiba konton uu gacanta u galay dad tirada guud ee muwaadiniinta ka ah boqolkiiba soddon, taas macnaheedu waa in boqolkiiba 70 muwaadiniintii ka mid ah looga tegey wax aan ka badnayn boqolkiiba 40. Iimaan Allaa uur buuxsha ee, sheekadu halkaa waa ay la sii dhaaftay ganacsatadii oo markii ay gacanta ku dhigeen ganacsigii muhiimka ahaa ee dalka, waxa ay u hanqal taageen in ay ka maarmaan isku daalintii siyaasiga, oo awal samaynta madaxda ay lacag ku bixinayeen, iyagii ayaana badka yimi oo isku sallaxay kuraastii baarlamanka, kuwii xisbiga talada haya iyo kuwii wasiirradaba, waxa aanu dalkii isu beddelay shirkad weyn, oo ay saamiyo ku leeyihiin boqolkiiba 30 kii ganacsade ee dalka hore u boobay, taas oo keentay in boqolkiiba 70 kii gaajo beerka dhulka dhigo, wixii ka dhacayna waa loo wada joogay.

Haddaba waxa aan ku talin lahaa in dawladdu ay ka fiirsato dhismaha nidaamka dhaqaale, in ay saxdo qaladaadka ay dawladihii ka horreeyey galeen oo aanay qalad kale ku sixin. Waa in dawladdu xakamayso ganacsatada waaweyn kuna ilaaliso sharciyadda dalka, isla markaana ku dadaasho in suuqa aanay keli ku noqon ee mar kasta la helo cid dheelli tiraysa, waa in ay ka fiirsataa qandaraasyada iyo ganacsiyada cusub ee dihsmaya, waana in ay ka shaqayso in uu dalku la hano qaado nidaam ganacsi oo is dhamaystiraya ee aan dheelli keenayn. Dawladdu waa in ay xakamaysaa hunguriga ganacsadaha, iyada oo aan illaabayn in ay dhowrto xaqqiisana ay ku ogaataa in uu sharciyadda dalka waafaqo, waa in ay ka feejignaataa damaca ganacsadaha doonaya in uu isagu kelidii ka faa’idaysto khayraadka iyo ilaha dhaqaale ee dalka.

 Qalinkii: kamaal Axmed Cali

Comments are closed.