Xogo Xiiso Badan Oo Laga Yaabo In Aanad Hore Uga Maqal Madaxweynaha Maraykanka Barak Obama (Q:3aad)

0
717

ooooWashington (Geeska)- Shabakadda Ranker ee laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa dhowaan baahisay xogo xiise badan oo la xidhiidha madaxweynaha dalka Maraykanka Barak Obama. Xogahan oo uu Geeska Afrika u turjumay afsoomaali waxa ay soo bandhigayaan macluumaad aanay dad badani hore u ogeyn oo la xidhiidha shakhsiyadda, iyo nolosha qoysnimo ee uu ku soo barbaaray madaxweyne Barak Obama ka hor intii aanu noqon madaxweynaha 44 ee ddalka Maraykanka. Hoos ka akhri qaybtii Saddexaad:

6.     Kubadda kollayga:

Obama dhalinyaronimadiisii waxa uu aad ugu fiicnaa ciyaarta kubadda kolayga, gaar ahaan xilliyadii uu ku jiray waxbarashada dugsiga sare oo uu aad u ciyaari jiray, ahaanna jiray xubnaha ugu fiican hadba kooxda uu u ciyaarayo. Obama da’da iyo mashquulka shaqooyinkii uu soo qabtay kama ay reebin in uu weli ciyaaro kubadda kolayka oo uu aad u xiiseeyo, dad badan ayaana aaminsan in ciyaartaas kubadda ee uu joogteeyey ay ka mid tahay sababaha qaab-dhismeedka jidhkiisu u qurux badan yahay illaa maanta.

Si kastaba ha ahaato ee mar uu dhowaan ka hadlayey ciyaarta kubadda kolayka waxa uu Barak Obama qirtay in da’diisa weynaatay ay caqabad ku noqotay ciyaar-wanaaggiisii, si weyna hoos u dhac uu uga dareemayo firfircoonidii iyo ciyaartii fiicnayd ee saaxiibbadii ku yaqaanneen.

7.     Shaqooyinkii uu dhalinyaronimadii soo maray:

Madax badan oo soo qabatay talada Guriga Cad ayaa ka soo jeeday qoysas maalqabeen ah kuna soo barbaaray nolol barwaaqo badan, wawxaa ka mid ahaa madaxweyne John F. Kennedy, Roosevelt iyo Bush. Laakiin Obama raggaas waa uu ka duwanaa. Waxa uu ahaa dan yar noloshiisa ka soodabbaray shaqooyin badan oo ay quudhsan lahaayeen madaxdaas aynu soo sheegnay iyo dad badan oo nolol ladnaan ah ku soo koray.

Tusaale ahaan Barak Obama dhalinyaronimadiisii mar waxa uu ka shaqayn jiray dhismayaasha, gaar ahaan waxa uu ahaa Rinjiile guryaha mariya rinjiga iyo istambarka. Mar kale waxa uu saabaan-xale iyo shaqaale hoosaad ka ahaa mid ka mid ah hudheellada cuntada. Mar kale waxa uu u shaqayn jiray meheradda Baskin Robbins oo jallaatada samaysa (Ice Cream), gaar ahaan waxa uu qaabbilsanaa in uu Iskiriinka ku cabbeeyo caagga ama qasacadda lagu qaato.

8.     Harry Potter:

Sida ay caddaysay marwada koowaad ee dalka Maraykanka Michelle Obama, odaygeedu waxa uu si aad ah u jecel yahay shakhsiyadda Harry Potter. Michelle waxa ay sheegtay in madaxweyne Obama uu akhriyey dhammaan buugaagta toddobada ah, ee silsiladda filimkan laga allifay, sidoo kale waxa uu daawaday dhammaan qaybaha kala duwan ee filimka Harry Potter.

Intaas oo keliya ma’aha ee madaxweyne Obama waxa kale oo uu akhriyey dhammaan buugaagta ay qortay J. K. Rowling oo ah haweenayda caanka ah ee qortay qisada filimka Harry Potter, weliba Obama marka uu buugaagteeda akhriyayo inta uu hablihiisa la fadhiisto ayaa uu cod dheer ku akhriyaa si ay u dhegeystaan.

9.     Madaxweynaha Gurran:

ffff

Madaxweyne Barack Obama, waa uu gurran yahay, oo gacanta midig ayaa uu ku qabsadaa inta badan hawlaha midigta laga filayo. Ma’aha madaxweynaha keliya ee gurran ee soo maray taariikhda dalka Maraykanka. Balse waxaa iyaguna gurranaa madaxweynayaasha kala ah, Truman, Ford, Reagan, Clinton iyo George Bush kii weynaa. Dshammaantood gacanta bidix ayaa ay adeegsan jireen marka ay wax qorayaan iyo hawlahooda oo dhan. La soco…