Xoghayihii Caafimaadka Ee Xisbiga Waddani Oo Is Casishay

0
205

Hargeysa(Geeska)-xoghayaha caafimaadka ee xisbiga Waddani Marwo Saado Jaamac Aadan ayaa sheegtay inay iska casishay xilkii xisbiga Waddani.

Marwo Saado oo u warantay Telefishanka Sahan, waxay sheegtay inay martay jidkii ay mareen xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Marwo Faadumo Siciid oo hore uga tirsanaa xisbigaas Waddani.

Waxay Marwo Saado tidhi, “Magacaygu waa Saado Jaamac Aadan, anigoo ah xoghayaha caafimaadka ee xisbiga Waddani, kuna jira golaha dhexe, waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilkii aan u hayay xisbiga waddani, taas oo ay sababtay inaan xisbiga ka dhex arki waayay siyaasadii aan doonayay inaan gaadho, odayn wayn oo waayeel ahi siduu wax u arkay waxba uma sheego, maantaan go’aansaday, Faadumo Siciid iyo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble wadadii ay mareen ayaan maray.” Ayay tidhi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.