Dawladda Somaliland Oo Digniin Ka Soo Saartay Duufaan Ku Soo Waajahan Xeebaha Somaliland

0
655

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha haayda aafooyinka dabiiciga ah iyo kaydka qaranka Faysal Cali Sheekh, ayaa ka digay duufaan uu sheegay in toddobaadkan la filaayo inay ku dhuftaan xeebaha Somaliland.

Guddoomiye Faysal Cali Sheekh waxa uu sheegay in ay taxadiraan dadka degan xeebaha Somaliland,kaluumaysatadu ay badda ka soo baxaan, wax  doonyo ahna aanay badda ku safrin inta todobaadkaas duufaanka ah uu dhamaanayo.

Faysal Cali Sheekh oo warbaahinta  xafiiskiisa kula hadlay waxa uu yidhi “ Waxaanu xidhiidh la samaynay haayadaha saadaasha ee gobala Geeska Afrika iyo bariga Afrikaba waxa jira runtii duufaano xoogan oo ka soo kacay waqooyiga badweynta Hindiya, duufaankaas oo darajadiisa ilaa 4 lagu tilmaamay, waxa saamayntoodu hadda ka bilaabmatay xeebaha cumaan, waxa la filayaa inay u soo gudbaan dhinaca xeebaha Somaliland Khaasatan gobalka Sanaag, Laasqoray,Maydh iyo Xiis,Conqor, Bebera, Bulaxaar iyo Ceelsheekh intaas inta u danbaysaa inay soo gaadho ayaa la filayaa, alle ayaa og laakiin waajibka na saran waxa weeye inaan umadda uga digno wakhti ka hor, waxaanuna jecelnahay inaan gaadhsiino  shacbiga Somaliland khaasatan shacbiga ku dhaqan deegaanadaas inay ka digtoonaadaan, waxaanu uga digaynaa Kaluumaysatada reer Somaliland kuwa badda ku jiraa inay ka soo baxaan kuwa galayaana inay ka joogsadaan, doonyaha iyo maraakiibtaba waanu uga digaynaa, muddo todobaad ah oo ka bilaabmaysa maanta [shalay] 30/10/2019 inay ka digtoonaadaan dabaylahaas oo la filaayo roobabna inay wataan.”

Waxa uu intaas ku daray guddoomiyaha  haayada aafooyinka dabiiciga ah in roobab ay la socon karaan duufaantan lagana dheeraado goobaha hoose oo loo baxo meelaha taagaga ah, waxaanu sheegay inay kulan isugu imanayaan xukuumada iyo haayadaha mucaawinada bixiyaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here