Xildhibaan Cabdiqaadir Oo U Jawaabay Xildhibaan Bulqaas

0
973

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiqadir Jaamac Xaamuud, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ahna Xildhibaan ka soo jeeda Sanaag Barri, ayaa ku taliyey in siyaasad cad laga yeesho deegaanka uu ka soo jeedo.

Xildhibaan Cabdiqadir Jaamac Xaamuud, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale  jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Xildhibaan Bulqaas oo ay isku deegaan iyo isku Gole yihiin, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Runtii imika wey iska wanaagsan tahay xaalada Gobolka Sanaag, gaar ahaan Sanaag Barri, in  kasta oo wax iska yar jirjiraan, laakiin siyaasad cad in laga yeesho Sanaag Bari oo wixii ka qabyo ah sidii loogu dhamaystiri lahaa inay Xukuumaddu awooda saarto weeye, dhibaatooyinka kale ee ka jira guud ahaan Gobolka Sanaagna, waxaan soo jeedinayaa in xooga la saaro sidii loo hagaajin lahaa”.

Mar uu ka hadlaayey hadal ka soo yeedhay Xildhibaan Bulqaas ayaa wuxuu yidhi “Shirka jaraa’id oo aanu qabanay waxaanu kaga hadalnay arimaha Bariga Gobolka Sanaag, Xildhibaan Bulqaas oo aanu isku Gole nahay, oo aanu in badan wada shaqeeynaynay, oo aanu safaro wada baxnay, safaradaas aanu wada baxnayna aniga wax walba soo dhammeeynayey, haddii ay noqoto xagga Madaxtooyada iyo haddii ay noqoto xagga Madaxweynahaba, labada safarba aniga ayaa soo dhammeeyey, wuxuu ku hadlayo Xildhibaanka maaha inuu ku hadlo, markii aanu Shirka jaraa’iid wada qabanay isaga ayaa ii yeedhay, markaas Xisbi aan ku jiro anigu ma aflagaadeeynayo, ee marka hore waa inaan banaanka uga baxo, laakiin Xisbigiina waan ku jiraya, haddana waan cayaya aniga damiirkaygu I siin  maayo, ee waxaan Xildhibaan Bulqaas leeyahay haddii aad doonayso inaad Xisbiga Kulmiye wax ka sheegto marka hore ka bax, waxaad ku hadlaysana inaad ka fiirsato ayaa wanaagsan”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here