Xoghaye-xigeenka Waddani Oo Guurtida Uga Digay Muddo Kordhin Aan Raali Lagu Kala Ahayn

0
424

Picture2Hargeysa (Geeska)-Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Jamaal Jaamac Xaamud, ayaa baaq digniin ah u diray Golaha Guurtida, gaar ahaan Shir-gudoonka, waxaanu ugu digay inay meesha ka saaran go’aankii komishanku ku cayimeen wakhtiga Doorashada la qabanayo ee Saddexda Xisbina ku raaceen, waxaanu ugu baaqay inay arintan si Guurtinimo ku jirto u dhex galaan, oo waajibkooda si fiican uga gutaan.

Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamud, ayaa isaga oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay kulankii ay la yeesheen Guddida Guurtida ee ka talo bixinta Muddo kordhinta iyo go’aanka isbahaysiga ee jiritaanka Xukuumadda marka la gaadho 26-june, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan  “Waxa aanu ka digaynaa muddo kordhinta ay wadaan Guurtidu ee ay hogaaminayaan Shir gudoonku oo ay ka doon-doonayaan waxa aan jirin, oo Xisbiyadu waxa ay ku heshiiyeen oo Madaxweynuhu Digreeto uu ku soo saaray, waxa aan leeyahay waxa aad meesha ka doon-doonaysaan wax ku jira maaha, wax qabta maaha, waxaana leeyahay Guurtida waxa aad Somaliland ka ahaydeen Rag Odayaal ah oo Guurtiiya, oo Maanta Guurtinimadiini ha la helo oo arintana intaydaan galin afarta dhinaca iska taag, maxa yeelay Guurti ayaad tihiin, hana u hadlin sidii aydaan Guurti ahayn, oo arintaas Guurtidnimo ku baadha, oo fududaydka ka daaya, oo deganaan u gala, arintaasna aad u eega”.

Xoghaye ku xigeenka XIsbiga Waddani mar uu ka hadlaayey kulankii ay la yeesheen Guurtida ayaa yidhi “Waanu idiin nimid, oo kulan ayaanu idinla yeelanay, albab ayaad noo xidhateen, Raggii idinla midka ka ahaa ee Guurtida ahaa arinta ma oga, 29-kiina  ayaa og  haddii aad Saxaafaddu joogi lahayd, Ragga Guurtida ah ee maqani wey ogaan lahaayeen waxa jira, 29-Guurtida ah ayey arintani ku kooban tahay, waxayna walibana ku soo kooban tahay oo lagala Xisaabtamaya Shirgudoonka, Saleebaan iyo labadiisa ku xigeen, Sharcigii ayaad haysaan, Dastuurkii ayaad haysaan, xeer 20 ayaad haysaan oo aad idinku ansixiseen, oo ah inay Komishanka xaq u leedahay Doorashada iyo wakhtigeeda, waxaana leeyahay ha baalmarina arintaas oo dad heshiis ah ayaa idiin yimid, oo tusaale ahaan Ninka iyo Inantu marka ay is guursanayaan Waddada ayaa loo taga, Waddadkuna uu isku xalaaleeya, waxayna Maanta arintu taagan tahay inaad xalaalaysaan waxa lagu heshiiyey”.

Xoghaye ku xigeenka Waddani mar uu ka hadlaayey go’aankii Isbahaysiga Mucaaradka ayaa yidhi “Guurtida wey og yihiin inay Isbahaysiga Mucaaradku isku yimaadeen, oo ay leeyihiin haddii ay gaadho 26-june waxa aanu dhisaynaa Dawlad ku meel-gaadh ah oo Doorashooyinka gaadhsiisa, taas ayey naga taagan tahay, waxaana leeyahay dalkaas nabada ah ee barwaaqada gaadhay ee meesha fiican maraya ha duminina, arintaasna digniin dheer ayaan idinka diraynaa”.