Suldaan Ibrahim Jaamac Samatar Oo Soo Jeediyay In Guurtida Lagu Ixtiraamo Muddo Kordhinta

0
550

Picture1Hargeysa(Geeska):-Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa soo jeediyey in aqalka golaha Guurtida Somaliland lagu ixtiraamo ka go’aan gaadhista muddo kordhinta loo samaynaayo xukuumada madaxweyne Siilaanyo, waxaana uu sheegay golaha Guurtidu ay xaq distoori ah u leeyihiin in ay muddo kordhin sameeyaan maadaama doorashooyinkii ay ku qabsoom waayeen wakhtigii loogu talo galay.

Suldaan Ibraahim Jamaac Samatar, ayaa hadalkan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu sida oo kale tilmaamay in maadaama ay dalka ku soo wajahan yihiin Labada doorasho ee madaxtooyada iyo aqalka golaha wakiilada loo baahan yahay in wakhti ku haboon oo ay hawlahooda shaqo ku qabsadaan la siiyo komishanka doorashooyinka Somaliland si aan loogu dhicin dawlad la’aan.

"Waxa weeye dalka hore doorashooyin ayaa uga soo dhacay, waxana in arrin cusub laga dhigo maaha, doorashadu waxay ku eekayd badhtamaha sanadkan ee bisha Juun ee fooda innagu soo haysa, waxaana cadaatay in aan hawshii doorashadu bisha Juun aanay qabsoomayn, marka Laba hawlood ayaa kala jira oo ay dad weynahu isku khaldayaan, mid waxa weeyaan waa goorta ay doorashadu qabsoomayso oo ay xaq u leeyihiin gudiga doorashooyinka qaranku, oo ay yidhaahdaan mudadii madaxweynaha wakhtigu kaga eekaa ma qabsoomayso doorashadu ee mudadaas ay sheegaan, haddaba halka arrintu marka ay taagan tahay xaq distooriga ah waxaa u leh oo distoorku siiyey golaha Guurtida Somaliland maadaama aanay doorashadu wakhtigii loogu talo galay ku qabsoomayn markaana ay iyagu sameeyaan muddo ay u kordhiyaan xukuumada, sharcigaana siinaya, distoorka ayaana u ogalaanaya, waayo lama doonayo in wadankan aynu ku soo caano maalnay ay ku soo dhacdo fidmo ama uu ku dhaco xukuumad la'aan weeye waxa laga ordayaa, marka sharciga distooriga ahi waxaa uu siiyey golaha Guurtida in wakhtigii ama mudadii xukuumada ay kaga eekayd ee doorashadu ku qabsoomayn in ay iyagu markaa kordhiyaan, mudada ay kordhinayaana waa hawl iyaga u taala weeyaan.”.Ayuu yidhi Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar.

Suldaan Ibaahim Jaamac Samatar, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu tibaaxay in wax la la’yaabo ay tahay dad uu sheegay in muddooyinkii danbe ay ka dardaar warinayeen muddo kordhinta loo samaynaayo xukuumada Siilaanyo, waxaana uu carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in bulshadu aanay arrimahaas ka hadal balse ay axsaabta qaranku xaq u leeyihiin in ay arrimaha noocan oo kale ah ay ka hadlaan.

“Haddaba arrintan waxa weeye xisbiyadu waa ay ka hadli karaan laakiin dad weynahana ku wareersan ee Teleeshanka ku Laba goor noqonaya ee inta ay shaashadaha soo fadhiistaan odhanaya maalin Lama kordhin karo waa ay khaldan yihiin, xaq uma laha, iyagu waa in ay sugaan shicibkii weeyaan meel walba hawl ayaa ay leedahay oo Komishanku doorashada ayaa uu ku shaqo leeyahay, muddo kordhin haday timaadana, waxaa ku shaqo leh golaha Guurtida, anigu waxa laga sii qaylinaayo ee meel walba lagaga hadlaayo anigu ma garanaayo, marka anigu waxaan leeyahay doorashadii ma qabsoomayso, ta soo socotana waxaa la isku daray tii madaxweynaha iyo baarlamaanka waa wax innagu cusub, wali may wada qabsoomin doorasho madaxweyne iyo mid baarlamaan muddo ayey u baahan tahay in la kordhiyo ayey u baahan tahay oo gudida komishanka doorashooyin kuna ay ka baaraan degaan laakiin ha la yidhaahdo uun ha qabsoonto oo ku odhanaaya 26ka Juun haday nala dhaafto, xalay(Habeen hore), ayaanba sidan ku maqlaayey qaar leh, waxa weeyaan ninkaasi waxa uu doonayaa in la kala yaaco, wadankuna uu burburo oo la is dhexyaaco, ninkaas oo kale ka ogalaan mayno, annaguna haddii aanu madaxdhaqameedkii nahay ninkaas oo kale ka ogalaan mayno, waxaanu ogal nahay mar haddii doorashadu ay wakhtigeedii dhaaftay in awoodaas ay iska leeyihiin golaha Guurtida, waxaana aan leenahay yaan laga rajo xumaan go'aanka Guurtida ee ha la suggo inta ay wax soo saarayaan, waayo Guurtidu iyaga ayaa xaq u leh muddo kordhinta, waana in lagu ixtiraamaa, waxa aanu sida oo kale leenahay ha'lagu ixtiraamo Guurtida go'aanka ay soo saarto.".Ayuu yidhi Suldaan Ibraahim Jaamac.

Ugu danbeyntii Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, waxaa uu sida oo kale wax laga xumaado ku tilmaamay hadalo aflagaado ah uu sheegay in muddooyinkii danbe lagu tuurayey xildhibaanada aqalka golaha Guurtida Somaliland, isaga oo ku baaqay in Guurtida laga daayo aflagaadooyinka loo soo jeedinaayo, waxaana uu sida oo kale tilmaamay in golahaasi yahay golaha qudha ee u aas aasan badbaadinta iyo illaalinta nabad galyada qaranka Somaliland, cid kasta oo ka mid ah bulshada Somaliland ay ixtiraam ka mudan yihiin.

"Golaha Guurtidu ama dhaxal ha ku yimaado ammaba wax kale ee waa golaah inoo qabilsan nabad galyada waxii yimaadana si wanaagsan ayaa uu u dhex-dhexaadiyaa, waxaa aad marag ka tihiin oo aad markhaati ka tihiin in intaas oo jeer oo mucaaradka iyo muxaafadkuba ay isqabteen in uu si wanaagsan u dhex-dhexaadiyey, intaas oo meelood oo kalena ay guurtidu inta ay u gurmatay ay si fiican u dhex-dhexaadisay, waxaa aynu ognahay in go'aamada ay soo saaraana ay Labada dhinacba ogalaadaan, waxa weeyeen Guurtidu waa bed-baado, shalay ay kala bad-baadiyeen, doraad iyo maalin walba, iyaga ayuunbaynu ku joognaa, tiir adag weeyaan ha laga daayo aflagaadada, komishanka qaranka ha laga daayo, xukuumada ha laga daayo hanjabaada,sidaas wax innoogu socon maayaan, waxay wax walba innoogu hagaagayaan waa wada-tashi iyo waxii tallo ahaanba la wadaago, Guurtidu waa gole distoori ah oo guurtida waxay u aas aasan tahay waa nabad galyada, waana taa ta aynu dawladaha kale ee aynu jaarka nahay kaga horeynaa, waana lagu ma jiirta sida ay wax u xaliyaan.".Ayuu yidhi Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar.