Xoghaye Cusub Oo Loo Magacaabay Berbera

0
736

 

250px-Berbera_Somaliland_view_westHargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa toddobaadkan dhammaaday xoghaye cusub u magacaabay dawladda hoose ee Degmada Berbera.

Wuxuu Wasiirku xoghayaha degmada Berbera u magacaabay Mr. Suhayb Maxamed Cali, ka dib markii uu Madaxweyne Siilaanyo bishii hore xoghayihii hore ee dawladda hoose u magacaabay badhasaabka gobalka Saaxil, waxaana la filayaa in xoghayaha cusubi xilka kala wareegi doono badhasaabka gobalka Saaxil.

Sidoo kale wasiirka arrimaha guduhu waxa kale oo uu xilkii ka qaaday xoghayihii dawladda Hoose ee Burco, isagoo u magacaabay masuul cusub, waxaana xoghayaha dawladda hoose ee Burco loo magacaabay Cismaan Maxamed Cismaan.