“KULMIYE Waa Loo Hanweynaa Laakiin Waa Lagu Hunoobay, Oo Furfuran Badan Ayaa Jira”

0
3937

 

Picture3Hargaysa( Geeska )- Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Aadan Siiyo ), ayaa xisbiga Kulmiye ku naqdiyay in loo hanweynaa balse lagu hungoobay, waxkhtiga yar ee talada dalka uu hayayna uu dalka ka jiro furfuran badan.

Sheekhu waxa uu soo qaatay erayadii dardaaran ee ugu danbeeyay ee uu Cumar Buni Khadaab kula dardaarmay hogaamiyayaashii islaamka ee uu filaayay inay xilka ugu danbayn doonaan taladaas oo ahayd in aanay reerkooda ku kooban talada umadda.

Sheekh Aadan Siiro waxa hadalkiisan ka mid ahaa khudbadii salaada jimcaha, waxaanu ugu danbayntii u soo jeediyay wax garadka Somaliland in dalka talo qaran lagu badbaadiyo. Waxaanu hadalkiisa ku bilaaby sidan  “ Waxaanu nahay dad danaynaaya in dalkani wax noqdo oo uu yeesho meel uu u socdo oo uu dal jira noqdo, cid inaga badsanaysaana aanay jirin waayo dad yar oo dal khayraadkiisu badan yahiin ku nool baynu nahay, laakiin waxaynu u baahanahay hogaan wanaagsan. Waxaynu nahay dal yar oo aan cago adag ku taagnayn, dalalka awooda badan ayaa saxi kara waxii ka qaldama dadkeenuna waa uu ubaysan yahay, markaas dalku maanta waxa uu u baahan yahay badbaado iyo talo badan oo ka timaada dadka caqliga u saaxiibka ah.” Shaakha oo hadalkiisa siiwataa waxa uu yidhi, waxaanu ku daray “ Waxaan kaaga digayaa haddii Cali Binu Abidaaliboow aad xilka la wareegto inaad reer Binu Haashim talada ku ururiso,Cismaan binu Cafaanaw waxa laga yaaba inaad talada muslimiinta ku soo baxdo inaad talada muslimiinta reer Binu Umaya ku ururiso ayaan kaaga digayaa, waa labadii eray ee uu aad ugu celceliyay Cumar Binu Khadaab ( Alle raali haka ahaadee ) isaga oo sii dhimanaaya.”

Sheekh Aadan Maxamuud oo xisbiga Kulmiye ku  tilmaamaaya mid lagu hungoobay waxa uu yidhi“Waad ogaydeen Kulmiye waa loo hanweynaa, dadkii inuu isbadal yimaado misaajidkan uga ololeeyay ayaanu ka mid ahayn, laakiin waa lagu hungoobay, laba sano iyo badh ayaynu maraynaa furfuran badan ayaa jira, intaas u hadhay shanta sanadood wakhtigooda waanu ku ilaalinaynaa, laakiin waxaanu leenahay waar dalka badbaadiya, waxii horena waxaad ku dartaan mooyaane waxba ha ka jarina, gobalka Awdal Somaliland ayaa lagu soo dhisay aasaas baanu u yahay Somaliland waana in la ilaaliyaa, waxba kama badali karno dalka laakiin waa in aynu wax ku darnaa.”