Xamarji Oo Soo Dhaweeyay Inuu Noqdo Badhasaabka Togdheer

0
491

 

Picture2Hargeysa(Geeska)-Badhasaabka hore ee Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) oo todobaadkan uu Madaxweynaha Somaliland u magacaabay Badhasaabka cusub ee Gobolka Togdheer, ayaa si niyadsami ah u soo dhaweeyay isku shaan-dheyntii lagu sameeyay Badhasaabadda Goboladda oo uu ku tilmaamay inay ka turjumayso haybaddii dawladda oo kor loo qaaday.

Badhasaabka cusub ee Tog-dheer oo shalay u waramay weriye Cumar Maxamed Faarax oo ka tirsan shabakadda  Somaliland.Org, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay gobolka loo bedalay, isagoo arrimahaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaan aad iyo aad Madaxweynaha Somaliland uga mahad celinayaa isku shaandheyntii uu ku sameeyay badhasaabadda goboladda dalka. Tallaabadani waa mid ka turjumaysa dawlad wanaajinta xukuumaddani u taagan tahay. Waa sunne bilaya dawladnimadda. Waxaan mabsuud ku ahay gobolka la ii bedelay.”

Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi waxa uu tilmaamay inuu markii hore ka dhignaa nin xaafadiisii ka dhex shaqaynaya, waxaanu yidhi “Waxaan markii hore ka dhignaa nin xaafadiisii uun ka dhex shaqeynaya, imikase waxaan dareemayaa inaan gobol ka baxsan kaygii ka shaqeynayo waxaanay I sii saaraysaa masuuliyad iyo wadaniyad.”

“Waxaan qabaa haddii Gobol la ii bedeli lahaa in kii ugu wanaagsanaa la ii bedelay. Shacbiga gobolka Togdheer waa shacbi wanaagsan oo aan dhaqan ahaan la qabsan karo oo aan garanayo oo halgankii dib u xorayntana bud-dhig u ahaa,”ayuu yidhi Badhasaabka cusub ee Togdheer.

Mr. Xamarje waxa kale oo uu u mahad celiyay shacbi-weynaha gobolka Maroodi-jeex oo uu tilmaamay inay yihiin shacbi wanaagsan oo uu xusay inay si wanaagsan ula soo shaqeeyeen. Waxaanu u soo jeediyay inay badhasaabka cusub ee gobolka Maroodi-jeex ula shaqeeyaan sidii ay isaga ula soo shaqeeyeen.