Xoghayaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Ee Somaliland Oo Deeq Lacag Ah Guddoonsiiyay Qoyskii Uu Ka Tegay Orod Yahankii Weynaa Ee Marxuum Xasan Finiin

0
845

Picture1

Xoghayaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee Somaliland Mustafe Cabdiraxmaan Xaddi ayaa maalintii Shalay Deeq lacageed oo ay soo direen qaar ka mid ahaa ciyaartoydii orod yahanada ahaa ee kooxdii Horseed Guddoonsiiyay Qoyskii uu ka geeriyooday Xasan Maxamed Axmed (Xasan Finiin) oo ka mid ahaa Orod yahanadii kooxdii Horseed.

Xasan Finiin oo imika ka mid ahaa macalimiinta xidhiidhka ciyaaraha Fudud ee Somaliland ayaa dhawaan ku geeriyooday Caasimada Hargeysa, isagoo ka tegay laba caruur ah iyo Hooyadood. Haddaba deeqdan lacageed ee Shalay lagu guddoonsiiyay gurigeeda Xaaskii uu ka baxay Marxuumkani Hodan Faarax Aadan ayaa uga mahad-celisay xidhiidhka Ciyaaraha Fudud iyo dadka deeqdan lacagta ah u soo diray, iyadoo Ilaahay uga bariday inay meeshii ay ka soo saareen wax roon ugu bedalo. Lacagtan oo cadadkeedu ahaa $500 oo dollar ayaa waxaa ugu soo deeqay Qoyska uu ka baxay Marxuum Xasan Finiin dhawr qof oo ku kala sugan qurbaha, kuwaas oo ahaa ciyaartoydii ay isku kooxda ahaayeen marxuumkan oo ay ka wada tirsanaayeen kooxdii Horseed qeyb orodka.

Lacagtan oo uu Wakiil ka ahaa Xoghayaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ayaa xusay in lacagtan uu ku soo hagaajiyay Cabdiqaadir Caraale Cumar oo ku sugan wadanka Maraykanka, kaas oo isna dhawr qof oo ay isku koox ahaayeen ka soo uruuriyay. Dhanka kale Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa iyaduna ku talo-jirta inay qoyskan uu ka baxay Xasan Finiin ay booqan doonto wixii ay awoodana ugu deeqi doonto.