Xoghayaha Siyaasadda Ee Waddani Oo Ka Digay In Khilaafka KULMIYE Lagu Xaliyo Muddo Kordhin

0
504

Picture2Hargeysa (Geeska)- Xoghayaha Siyaasada ee Xisbiga Mucaaradka Waddani Md:Maxamuud Raage Ibraahim ayaa Golaha Guurtida ugu baaqay in khilaafka Xisbiga kulmiye aanay ku soo afjarin muddo kordhin ay u sameeyso Xukuumadda, waxaanu sheegay in aan ilaa hadda Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland aan laga maqal wax muddo kordhin ah oo uu soo hadal qaaday.

Xoghayaha Siyaasada ee Xisbiga Waddani oo Shalay dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xilka Xoghayaha Siyaasada ee uu Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye u magacaabay, waxaanu sidoo kale ka hadlay khilaafka Xisbiga Kulmiye, Garsoorka Dalka iyo qodobo kale, waxaanu ugu horeyn yidhi "waxaan hoosta ka xariiqayaa haayadaha cadaalada iyo garsoorka iyo cid kasta oo haysa xukun in ay ilaahay uga baqaan oo ay Cadaalad sameeyaan,waayo cadaaladu carabka ayey ka bilaabmantaa,naftaada ayey ka bilaabantaa,meel walbana waa ay u gudbaysaa ma soconayso dhaqanka odhanaya (Whether you with us,or with enemy) ama anaga na raac ama cadawga raac ma soconayso jujuub iyo xoog,waxaa soo maray aduunyada cid badan oo awood iyo xoog tijaabisay,waxaana ay ku dhamaysatay khaatumo aan fiicnayn"

Xoghayaha Siyaasada ee Waddani isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)uga mahadceliyey Xilka Xoghayaha Siyaasada ee uu u magacaabay,waxaana uu tafaasiil ka bixiyey waxyaabaha uu u aasaasan yahay Xisbiga Waddani, Anagu hadaanu Xisbiga Waddani oo aan aad uga mahad celinayo in Gudoomiyahu uu ii magacaabay Xoghayaha Siyaasada Xisbiga WADDANI,waxaan shacbiga reer somaliland aan u sheegayaa waxa aan dadka ugu yeedhayaa maaha qabyalad ee waa in qabyaal laga guuraa,waxaan dadka ugu yeedhaynaaa maaha cadaalad darro ee waa in cadaalad la helaa,waxaanu dadka ugu yeedhaynaa maaha Garsoor xumo ee waa in Garsoor la helaa,waxaanu dadka ugu yeedhaynaa maaha Musuqmaasuq ee waa in hufnaan la helaa,waxaan dadka ugu yeedhaynaa maaha kala sarayn ee waa in sinaan lahelaa,waxaanu dadka ugu yeedhaynaa maaha kibir ee waa in lahelaa isdhuldhig iyo wanaag madaxtinimo"

Xoghayaha Siyaasada ee Xisbiga Waddani Maxamuud Raage Ibraahim ayaa waxaa uu sida oo kale uu ka hadlay khilaafka murugsan ee dhexyaala Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye,waxaana uu carabka uu ku dhuftay in ay ka xisbi ahaan ay ad uga xun yihiin Khilaafka Xisbiga Kulmiye,balse waxaa uu tibaaxay in waagii Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir dhabarka laga jabiyey ay dhamantoodba daawanayeen oo ay ku qoslayeen Maanta se aanay ku qoslay ka Xisbi ahaana ee ay ilaahay u baryayaan in uu kala badbaadiyo,waxaana uu yidhi

"Anagu khilaafka Kulmiye burburkiisa ku farximayno,waxaanu doonaynaa in aanu ula tartano si hufan anigu horaan u sheegay oo (marbuu wakhtiguu kuu hishaa walaalkii kaa dhigaa sida waqalkuu da'aa marbaad kala weecataayoo waayuhu cadaw kuu noqdaa) Shalay iyaga oo dhan oo hool fadhiya ayey qoslayeen markii Cabdraxmaan Cabdiqaadir Makrofoonka loo diidayey ama askartu fadhiisinaysay nina muu odhan halaga daayo,inaga oo ka dharagsan in Cabdiraxmaan Cabdiqaadir uu ku dhabar beelay soo dhawaynta madaxweynaha Maanta talada dalka haya ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) inaga oo ka dharagsan tacabkii uu u soo galay Xisbiga iyo Saaxiibkuu ahaa oo aan anigu garanaayo hadii aanay dadka kale aanay garanayn anoo la soo shaqeeyey Siddeed Sanno in cidlo looga guuro oo waliba la juuujuubo oo qoorta laga qabto,waxaa ay u ahayd iyaga sidii ruwaayada oo kale iyaga Maanta anagu ku farximayno ilaahay ha idin kala celiyo ayaan leenahay finfininkiina iyo dhibaaatadiina ilaahay hanaga hayo ayaanu leenahay".

Ugu danbayntii Xoghayaha Siyaasada ee Xisbiga WADDANI waxaaa carabka ku adkeeyey in ay xaaraan tahay muddo kordhi in la sameeyo isaga oo sida oo kalena digiin u diray odayaasha guurtida ee ka garnaqaya khilaafka Kulmiye in ay sadqayn uga dhigaan khilaafkaasi in ay muddo kordhin ay sameeyeen, waxaanu yidhi "kordhin waa xaaraan Findhicilku ma xaaraanbaa mise waa xalaal soo hadal qaadkiisa ayaaba xun uma malaynaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland afkiisa aan laga maqal kordhin suuqana intaas waa lagu hayaa isagu tartan ayaa uu sheegtay in uu diyaar u yaahay,waan uga digaya Guurtidu in ay kordhin ku sidqayso khilaafka Kulmiye waa taariikh madaw xaaji Cabdi iyo Saleebaan Maxamed Aadan,waxaanu uga baranay wanaag Xishmad baanu u haynaa kordhin ha ku sidqaynina khilaafka Kulmiye"