Xoghayaha Guud Ee Wadani Oo Farriin U Diray Warancade

0
676

Hargeysa)(Geeska)-Xoghayaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade, ayaa wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade ugu baaqay inuu soo bandhigo dadka qaranka halista ku ah ee uu warbaahinta ka sheegay, haddii kale ay u qaadan doonaan xisbiyada mucaaradka ah inay xukuumaddu faafinayso dacaayado ka dhan iyaga.

Waxa uu xoghayahu ku eedeeyay xukuumadda inay waddo sidii dalka ay u khal khal galin lahayd, waxaanu sheegay in aanay hadalo noocaas oo kale ah ka filayn wasiir Warancade.

Waxa uu sidan ku sheegay xoghayaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade, waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Geeska Afrika, waxaanu ugu horayntii isaga oo ka hadlaaya waxa uu ugu jawaabayo wasiir Warancade uu  yidhi “Anagu Waddani ahaan dhaqan uma lihin aflagaado, laakiin waxaanu leenahay hadii uu hayo cid duminaysa qarankan, isaga ayaa loo igmaday oo amnigii dalka ka masuul ahe ha soo saaro faylasha uu sheegayo oo maxkamadda ha keeno, hadii kale waxaanu u aragnaa inay tahay borobagaandho iyo arimo lagu qarinaayo khal khal galinta dalka oo imika ay xukuumaddu wado, iyada oo xisbiyada  mucaaradka ah waxaanay gayin ku sheegaysa, mana ogin arinkaas, hadiise uu isagu og yahay qof ama cid arintaas wada ha soo bandhigo.” Xoghaye Uurcade waxa uu hadalkiisa ku soo koobnay“Xamarna anagu uma haysano inay Somaliland meelna ka soo gali karto, cida hadal haysa ayaanu la yaabanahay, aad iyo aad ayaanu uga xunahay oo kamaanu filayn runtii Cali oo kale arinta noocaas ah, hadayse jirto oo uu hayo maxuu u hayaa isagaa ka masuul ahe talaabo ha ka qaado arintaas.”