GAVO Oo Tababar U Soo Xidhay Xirfadlayaasha Ka Shaqeeya Goobaha Xanuunada Dhimirka

0
583

Picture2Hargeysa (Geeska) – Hay’adda Waddaniga ah ee GAVO oo gacan ka helaysa hay’adda Caalamiga ah ee GRT, ayaa tababar u soo xidhay xirfadlayaasha Caafimaadka ee ka hawl-gala Cisbitaalada lagu daaweeyo xanuunada Dhimirka ee Magaalada Hargeysa.

Tababarkan oo muddo laba maalmood ah socday, ayaa xirfadlayaasha waxa mudadaasi la siiyey duruus kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadaha ay ugu adeegaan dadka madaxa xanuunsanaya, ayaa waxa xidhitaankiisii ka soo qayb-galay Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Hay’adaha GAVO iyo GRT.

Tababarka Hay’adda Wadaniga ee GAVO ay siisay xirfadlayaasha caafimaadka ee ka hawlgala goobaha lagu daweeyo dadka Dhimirka ka xanuunsanaya oo uu bixinayey Cabdirashiid Cabdilaahi Ismaaciil oo ka tirsan masuuliyiinta hay’adda GAVO, ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay isu-duwaha dhimirka ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Mustafe Xuseen Xirsi.

Dr Mustafe, waxa uu amaanay hay’adda Waddaniga ah ee GAVO oo tababarka siisay dadka ka shaqeeya goobaha lagu dabiibo xanuunada dhimirka, isaga oo sidoo kalena Mahadnaq u soo jeediyay hay’adda Caalamiga ah ee GRT oo GAVO ka taageertay tababarkan.

Dr Mustafe, oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi  “Waxaan ugu horeyn u mahadnaqayaa Hay’adda Waddaniga ah ee GAVO iyo GRT oo iska kaashaday tababarkan, inkasta oo ka Wasaarad ahaan aanu annaguna qaybtayada ka qaadanay”

Dr Mustafe Xuseen Xirsi, waxa kale oo uu sheegay “Mashruucani maaha mid joogsanaya oo waxa jiri doona Mashaariic kale oo kor loogu qaadayo aqoonta dadka ka hawl gala goobaha dhimirka si ay u daweeyaan dadka maskaxda ka jiran” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isaga oo fariin u diraya shacabka “Waxaan u sheegaya bulshada saska ka qabta xanuunka dhimirka inuu yahay xanuun la mid ah xanuunada kale ee ku dhaca jidhka, kaasi oo ay fududahay in laga bogsoodo”

Qaar ka mid ah xirfadlayaashii tababarkaasi la siiyay oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay inay tababarkan ay ka faa’iideen aqoon badan oo aanay hore u lahayn, waxaanu u mahad-naqay hay’adda Waddaniga ah ee GAVO iyo hay’adda GRT oo iska kaashaday tababarkaasi.