Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Biixi Iyo Farmaajo Ugu Baaqay Inay Dib U Bilaabaan Wada Hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya

0
845

Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ugu baaqay Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya inay dib u bilaabaan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Warbixinta saddex biloodka ah ee uu xoghayaha guud u gudbiyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa wuxuu ku bogaadiyay kulankii Biixi iyo Farmaajo ku dhex maray Addis Ababa,  “Kulankii dhex maray Farmaajo iyo Biixi wuxuu ahaa talaabo togan. Waanan bogaadinayaa.” Ayuu yidhi xoghaaha guud waxaanu intaas raaciyay “Farmaajo wuxuu soo saaray warbixin guud oo uu ku qiray xad gudubyadii ka dhanka ahaa xuquuqal insaanka ee ay dawladii Maxamed Siyaab Barre samaysay, Mr. Biixina wuu aqbalay talaabadaas. Waxaan ugu baaqayaa labada hoggaamiyeba inay ku dul dhisaan xidhiidhkan si ay ugu kobciyaan xidhiidhka oo ay uga sameeyaan horumar dib u bilaabista wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland.”

Geesta kale ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay danjire James Swan, oo isagoo Muqdisho jooga khadka Internetka kaga qayb galay shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, wuxuu sheegay inuu jiro wada xaajood heerkoodu sareeyo oo u socda Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay inuu dhiirigeliyay Qaramada Midoobay, waxaanu sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya u muuqdaan inay sii wadayaan xidhiidhka oo ay doonayaan inay wada hadaladu intaas ka sii gun dheeraaadaan.