Faysal Cali Waraabe Oo Soo Dhaweeyay Baaqii Dhallinyarada Ee Xaaladda Dalka

0
1082

Hargeysa(Geeska)-Hoggaamiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay baaqii ay dhawaan soo saareen in ka badan boqol ka mid ah dhallinyarada Somaliland.

Guddoomiye Faysal, ayaa qoraal email ah oo uu dhex dhigay madal ay dad kala duwan oo reer Somaliland afkaartooda isku dhaafsadaan, wuxuu ku soo dhaweeyay baaqa dhallinyarada, waxaanu  yidhi Ramadan Kareem. Intaaba waan idina La qaba, laakin waxaa loo bahanyahay in ficil lagu daro,  Oo dadkiina dibada jooga aad gudaha dalka timaadaan.  Ka bacadi la abaabula shir xisaabtan oo aragti dan guud leh, Salkiisuna yaha dhidib u taaga Dawlad waanaag Casri ah oo ku shaqeeysa sharci Iyo cadaalad oo loo wadda dhan yahay.  Sixid, baaqu Ma ahayn kacdoon shacbi, waxuu ah Manafisto group.”

Hore ayaa waxa baaqan dhallinyarada u taageeray Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, waxaanu Faysal noqonayaa siyaasigii labaad ee u sacabo tuma baaqan dhallinyarada.