Xoghayaha Guddiga Beesha Ciise Muuse Oo Ka Hadlay Khilaafkii Wershada Sibidhka ee Berbera

0
176

wershada sibidhkaHargeysa(Geeska)-Xogahayaha Guud ee Beelaha Ciise Muuse Md. Cabdirashiid Maxamed X Yuusuf, ayaa si cad daboolka uga qaaday kulan Madaxweynaha Somaliland iyo Odayaasha iyo Waxgaradka Beelaha Ciise Muuse kaga arinsanayeen khilaafkii ka dhashay dhismaha Wersheda cusub ee Sibidhka Berbera iyo guud ahaanba xaalada Gobolka Saaxil.

Masuulkan oo u waramayey Shebekada Wararka ee Hadhwanaagnews, waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyey bilawgii khilaafka Wershedda Sibidhka ee Berbera iyo sidoo kale qaar ka mid ah Warbaahinta Maxaliga ah oo uu ku eedeeyey in aanay dhexdhexaad ahayn Wararka iyo Barnaamujyada ay bulshada u baahiyaan.

Geesta kale, Md. Cabdirashiid waxa uu masuuliyada khilaafka ama muranka ku saabsan Wersheda Sibidhka uu dusha u saaray Nin Ganacsade ah oo aanu Magaciisa xusin, balse uu sheegay inuu sifo sharci daro ah ku Seestay Buuraha ku xeersan Magaalada Berbera, isagoo ka xog-waramaya kulankii ay Madaxweynaha la yeesheen iyo halka arinta Wershadu hada marayso, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay, sidan: “…Waxaan doonayaa in aan ka waramo arinka muranka ku saabsan khilaafka Wershedda Sibidhka ee Berbera kaasoo muddooyinkan danbe Saxaafadda Somaliland siyaabo kala duwan u qaadaa dhigayeen, waxaanan doonayaa in aan arinta u kala saaro dhawr qaybood oo kala ah sidan:Halkee ayuu khlifaakani salka ku hayey..?Halkuuse ka bilaabmay..?Ayuu ka dhexeeyaa Iyo halkuu hadda amraa..?

Haddii aan ku horeeyo, halka khilaafkani ka bilaabmay, waxa uu ka bilaabmay Buuro Berbera ah una dhow Wershedii hore ee Sibidhka, ayaa Nin Ganacsade ah oo reer Somaliland ahi uu Kaababdo Sibidh ah ku wareejiyey oo yidhi Buurahaa Annigaa leh, annaguse waxaanu u arganaa Hanti-Qaran oo cid gaar ahi aanay sheegan karin.

Tan Labaad ee ah Goormuu khilaafkani bilaabamay, waxa uu bilaabmay annagu guddi ahaan waxaanu joognay Magaalada Berbera, dabadeetana 28-ka Bishan aynun ku jirno waxa noo yimi dad ka soo jeeda deegaanka oo ka cabanyaa Buurihii dadka ka dhexeeyey in Nin Ganacsade ahi uu ku wareejiyey Kaabado, markaa kadib Maayirka Berbera Md. Cabdalle waxaanu u dirnay guddi ka kooban Shan-xubnood oo aan xubin ka ahay si aan u weydiino in isagu uu bixiyey Buurahaa, runtii wuu nala yaabay, waxaanunu nagu yidhi annigu [Cabdalle] maan bixin mana bixin karo, halkaa markii xaalku marayey waxaanu Maayirka usoo jeedinay maadaama aanu bixin inuu Kaabadaha burburyo. Arinta waxa laga dhigay in Berbera Labba Wershadood isku haystaan, waxaan idiin sheegayaa Berbera Labba Wershadood iskuma haystaan ee waxa isku haysta Ninkaa Buuraha Kaabahadaha ku wareejiyey iyo dadkii deegaanka oo ka dhiidhiyey arintaa ayaan kusoo koobi karaa.

Halkuu hadda marayaa. Annagu waxaanu nahayn Guddi ay samaysteen Beelaha Ciise Muuse oo shaqadoodu tahay horuumarinta ee Gobolka Saaxil, gudidayadu waxaanu Habeen hore [Habeen Saddexaad] la kulanay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxyaabo badan ayay guddiga iyo Madaxweynuhu ka wada hadleen, laakiin ma doonayo in aan halkan ka sheeg-sheego, waxaan rabaa in aan inta ka khusatsa arinka ka sheego, waxaanu u sheegnay in aan Berberii Labba Wershadood oo Sibidh ah aanay qaadi karin dadka deegaankuna aanay aqbali karin. Berberii waxay u baahantahay Wershad keliya oo Sibidh, iyadoo wadankeenuna uu kooban yahay oo aanu qaadi karin Sibidh faro-badan, sidoo kalena aanu jirin suuq dibadeed oo loo iib geeyaa.

Sidaa darteed, waxaanu Madaxweynaha ku nidhi mar haddii Wershedda murankeedii batay waa taase adigu u qaybi bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan min Lawyo-caddo ilaa Ceelaayo si siman oo caddadaaladi ku dheehan tahayna u qaybi, halkaas ayay maraysaa, waxaanuna ka war-sugaynaa Madaxweynaha Somaliland go’aanka uu ka soo saaro.

Waxaan u dhaafayaa Saxaafadda oo beryahan danbe qoloba dhan-u-jiidaysay, hadalna waa Mergiye dadkaa hadlayey annigu waxaan u kala saarayaa Labba qaybood oo aan odhan karo qolo waa Biri-beydh, qolona waa Boos-beydh, sida ay kala yihiin Kaadhadhka aynu Mobile-da ku isticimaalo oo uu midna yahay mid Lacagta lagu shubto, midna yahay mid Biil Bishii lagugu soo dalaco Xisaabtiisa, dadka aan ahayn odayaasha dhaqanka ee aan ka soocay waxay yihiin Labadaa nooc ee aan soo sheegay.

Odayaasha dhaqankana waxaan leeyahay waxa haboon arinta inta aydinaan ka hadlin inaydin xogolaal u noqotaan oo dhinacyo badan uu waraysto qofku, waxaan tusaale usoo qaadanayaa shir Maanta [Shalay] ka dhacay Hotel Xaraf, kaasoo ay ka hadleen Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar iyo Suldaan Axmed Nuur Samaaale ma jecli inaan u jawaabo waayo waa Salaadiintaydii, laakiin waxaan odhan lahaa malaha waxa haboon inaydin kusoo heshiisaan Ceel-berdaale oo Labadiina Beelood isku haystaan inta aydinaan u gudbin Berbera iyo meel kale toona.”