Itoobiya:- Dadweynaha Deeganka Raqda Oo Iska Caliyey Ciidanka Liyuu Booliska

0
679

liyuu booliskaHargeysa(Geeska)-Waxa shalay tuulada Raqda ee  hoos tagta degmada Gaashaamo ee kililka shannaad ee Somalida Itoobiya, weeraray ciidamo ka tirsan ciidanka loo yaqaan Liyuu Booliska ee laga maamulo magaalada Jigjiga.

Ciidankaas, oo watay baabuur kana koobnaa tobaneeye askari, ayaa waxa ay baadhis ku sameeyeen magaaladaas, waxaanay markii dambe toogasho ku dileen nin ka mid ahaa dadka deegaanka oo ka codsaday inay dhibta ka daayaan magaalada, taasina waxay sababtay inay dadweynihii magaaladu ka gadoodaan, waxaanu halkaas dagaal ku dhex maray dadkii deegaanka iyo askartii Liyuu Booliska, waxaanay wararku sheegeen inay dadkii deegaanku cashar u dhigeen askartii Liyuu Booliska, oo la sheegay in laga dilay dhawr ka mid ah, halka mid ka mid ahna dhaawac ahaan loo qabtay. Waxaana la sheegay inay xalay magaalada Raqda gaadheen gurmad ka tirsan ciidamada Liyuu Booliska.

Dhinaca dadka deegaanka, waxa ka dhintay laba nin oo uu midi  yahay ninka markii hore ay kooxda weerarka ahi dileen, waxaana dhulkaas iyo guud ahaan deegaanka Gaashaamo laga dareemayaa abaabul colaadeed.

Ciidamada liyuu booliska ayaa dadka deegaanka Somalida Itoobiya ee aanka soo jeedin qabiilka Maamulka dawladda deegaanka, waxay ku hayaan dhibaatooyin tiro badan oo kala duwan.