Shirkada Telesom Oo Abaalmarino Gudoonsiiyey Shaqaalihii Ugu Mudnaa Sanadka

0
756

telesomHargeysa (Geeska) Shirkada isgaadhsiinta ee Telesom ayaa soo bandhigtay abaal marinta 9-aad ee shaqaalaha Telesom la gudoonsiiyo, waxaa munaasibaadaa ka soo qayb galay masuuliyinta shirkad, wasiiro ka tirsan xukuumada, culimo, shaqaalaha shirkada Telesom, masuuliiyiin ka tiran labada golle, masuulinta shirkada Telesom, aaqoon-yahano iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Munaasibada abaal marinta lagu gudoonsiiyey shaqaalaha ugu kartida iyo shaqada badnaaa shirkada Telesom waxaa lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa. Xafladan ayaa ah mid sanad leh oo had iyo jeer abaal marino kala duwan lagu gudoonsiiyo shaqaalaha shirkada Telesom.

Waxaa ugu horayn halkaas ka halay Sheekh Yuusuf Aadan oo ka tirsan culimada Somaliland. Sheekhu waxa uu  si weyn u soo dhaweeyey adeegyada kala duwan ee shirkada, waxaanu hoosta ka xariiqay in ay shirkada Telesom had  iyo jeer ay dhib iyo dheef la qaybsasto bulshada reer Somaliland, isaga oo tusaale u soo qaatay doorkii ay Telesom ka ciyaartay abaarihii soo maray Somaliland. Waxaanu intaas ku daray oo uu sheegay in shirkada Telesom ay nasiib u heshay dhalinyaro fir fircoon oo illaahay ku galaday Aamin’nimo iyo Aqoon. Waxaanu u soo jeediyey shirkada Telesom in ay u sii dadaasho shaqaalaha.

Sidoo kale waxaa isna halkaas ka hadlay madaxa shaqada iyo shaqaalaha shirkada Telesom Cabdiqaadir Maxamed Sahal, waxaanu aad iyo aad u bogaadiyey shaqaalaha shirkada Telesom, isaga oo sheegay in da’daalka iyo heerka ay gaadhay Telesom shaqaale ahaan ay qayb ka yihiin.

Geesta kale Md.Cabdiqaadir Maxamed Sahal, waxaa uu ka hadlay qaabka loo soo xusho shaqaalaha, waxaanu sheegay in had iyo jeer lagu xusho kartida iyo aqoonta, isaga oo intaas ku daray in dhamaan shaqaalaha cusub laga hubiyo inay soo maraan xafiiska shaqada iyo shaqaalaha Telesom. Wuxuu Cabdiqaadir intaas ku daray in shaqaalaha la siin doono abaal marino isugu  jira shahaahdo sharaf iyo abaalmarino maaliyadeed, kuwaas oo kala ah darajooyin kala sareeya. Sidoo kale dhiiri gelinta Telesom waxaa ka mida inay shaqaalaha qaar ka mida u dirto xajka, halka kuwo kale ay ugu tala gashay inay ku dhiiri galiyaan guurka. Geestda kale Md.Cabdiqaadir wuxuu sheegay in shirkada Telesom ay shaqalaheeda siiso xuuqada shaqada ee sanad kasta.

Dhanka kale waxaa isna munaasibadaas ka hadlay gudoomiye ku xigeenka shirkada Telesom, wuxuuna sheegay in maamul ahaan ay diyaar u yihiin had iyo jeer dhiiri gelinta shaqaalaha shirkada, waxaanu intaas ku daray inay mar kasta u cadaalada sameeyaan guud ahaan shaqaalaha shirkada Telesom.  

Gudoomiye ku xigaanka Telesom wuxuu shaqaalaha kula dar daarmay  inay guud ahaan dadka ay u adeegaan ugu shaqeeyaan sida ugu haboon, isla markaana ay raali galiyaan dadka kala duwan ee adeegyada loo qabanaayo. Wasiirka madaxtooyada Somaliland Md.Xirsi Xaaji Cali oo halkaas ka hadlay ayaa si weyn u soo dhaweeyey doorka ay shaqaalaha shirkada Telesom ka ciyaareen inay mutaystaan shaqo wanaag iyo abaal marino, waxaanu intaas ku daray in shirkaduhu door weyn ku leedahay hanaandka iyo horumarka dawladnimo ee Somaliland, waxaanu intaas ku darday in shirakada Telesom oo ah sida uu sheegay horyaalka shirkadaha dalka inay halkaas ka sii wadaan dadaalka ay muujiyeen. Wuxuu wasiirku aad iyo aad ugu amaanay maamkulka Telesom qaabka ay shirkad ahaan u garteen inay shaqalaahooda gudoonsiiyaan abaalmarino.

Sheekh Aadan Maxamuud Xaaji Aadan (Siiro) oo ku hadlaayey magaca ganacsatada oo goobta shaqaalaha Telesom lagu gudoonsiiyey abaal-gudka ka hadlay ayaa sheegay in Telesom ay u hayaan mudnaan, waxaanu yidhi  “Telesom waxaynu u haynaa tayo wacan iyo adeeg wacan,” waxaanu sheegay in shaqaalah Telesom ay yihiin kuwo had iyo jeer ay ka muuqdaan nuurka cibaadadu. Telesom waxa weeye tusaalaha kaliya ee aynu haysano, dhanka wanaaga iyo aqoonta, waxaanu u soo jeediyey ganacsatada dalka inay bixiyaan cashuurta, gaar ahaana shirkadaha gaarka loo leeyahay, “waxaanan odhan lahaa halagu daydo Telesom”.

 Waxaa munaasibadaas soo xidhay oo shahaadooyin iyo abaal marinada kala duwan gudoodnsiiyey shaqaalaha Telesom ee gobolada wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Dr.Sacad Cali Shire, isaga oo ugu horayn ka marag kacay in shirkada Telesom tahay shirkad heer qaran ah, isla markaana had iyo jeer si hagar la’aana u bixisa cashuurta ku waajibtay, mar uu ka hadlaayey arrinta cashuur bixinta Telesom waxa uu yidhi  “Waxaan ka marag kacayaa in shirkada Telesom cashuur buuran bixisay”

Sidoo kale wasiir Sacad Cali Shire wuxuu intaas ku daray in shaqaalaha shirkada Telesom lagu abaal mariyo mushahar kordhin, xil kordhin, tobabaro la siiyo, in shaqaalaha wax laga siiyo maal gashiga iyo saamiga shirkada qayb laga siiyo shaqaalaha.

Ugu danbayntii waxaa halkaas abaalmarino kala duwan lagu gudoonsiiyey shaqaalaha mutaysay abaal gudka, waxaa sidoo kale xafladaas si toosa uga soo qayb qaatay, isla markaana habka video conference-ka ku jiray gudoomiyaha gobolka Togdheer iyo gudoomiyaha jaamacada Nugaale ee gobolka Sool, iyaga oo shirkada uga mahad caliyey kaalinta ay kaga jirto wax ka qabashada xaalada dadka iyo dalka, iyaga oo tusaale u soo qada qaatay abaarihii dhawaan ka dhacay Somaliland ee ay Telesom doorkeeda ka qaadatay. Ugu danbayntii waxaa madasha lagu xusay qofkii ugu horeeyey ee qaatay kaadhka shirkada Telesom, kaas oo noqday wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed.