Xoghayaha Cusub Ee Dawladda Hoose Waxa Loogu Hambalyeeyay Horusocodka Loo Jeellan Yahay Cumar M. Faarax

0
936

Xoghayaha cusub ee Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa, Cali Xasan Cawaalle oo xilli dambe oo jimcihii toddobaadkii hore ahaa  uu magacaabay Wasiirka Daakhiligga Somaliland, Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), waxa  uu soo dhaweyn iyo niyad samaan badan uu kala kulmay waxgaradka reer Hargeysa, oo u arkay inuu yahay sarkaal dhiig cusub iyo dardar hor leh gelin kara shaqada culus ee uu qarankiisa u qaaday.

maalmahan oo dhan,  waxa uu Xoghayaha lagu qaabiley casuumado kala duwan oo ay u sameeyeen Wasaaradda Daakhiligga, Xildhibaannada Golaha deegaanka ee ay wada shaqeyn doonaan iyo qaybo badan oo ka mid ah labbeenta iyo haldoorka bulshada Caasimadda.

Waxaa Kulammadaas  u dambeeyay kii Isniintii  uu u sameeyay Mulkiilaha shirkadda Sagal Jet, Cabdi Yuusuf Aar, oo ay weheliyeen dhallinyaro  reer Hargeysa ahi. 

Cali Xasan Cawaalle, waxa  taageeradiisa laga dareemay baraha bulshadu ku xidhiidho ee saxaafadda bulshada (Social Media) oo lagu soo daabacey, dhambaallo tiro beelay oo hambalyo iyo duco iskugu jiray oo ay hormuud u ahaayeen dhallinyarada reer Hargeysa qaybahooda kala duwan ka koobnaa.

Sidaas si la mid ah, waxa magacaabistiisa ku diirsaday saraakiisha iyo xubnaha Golaha dhexe iyo Guddida fulinta ee  xisbal-xaakimka KULMIYE oo uu ka mid ahaa xisbiyahannada mabda’a leh ee gows dambeedka ku haysta xisbigiisa, kuna difaaca faq iyo fagaare labadaba.

Xoghayaha

cusub,  waxa  dhambaalo dheeraad ah uu ka helay Masuuliyiin dawladeed, aqoonyahanno iyo  asxaab badan oo qowlkooda u soo mariyay farriimaha SMS-ka  iyo kuwo  toos ugala soo hadlay Telefoonkiisa gacanta.

Waxgaradkaasi  tahniyadda ka sakow,  waxay ku tilmaameen inuu yahay

 masuul  wakhti badan iyo juhdi weyn gelin doona inuu isku xidho Dawladda Hoose ee caasimada iyo Xukuumadda dhexe, si loo taabogeliyo in horumarinta caasimadu u noqoto mid ay ka wada shaqeeyaan heerarka dawladda oo dhammi (mid hoose iyo mid dhexeba).

Yididiilada intii soo dhaweysay u muujisay ayaa ah, inaanu ahayn dadka nasiib darradooda shaqada dawladda ka bilaaba mansab weyn, hase yeeshee uu ahaa  labaatan  sanno ku dhawaadkii u dambeeyay hawlwadeen dawladeed (Civil servent),  waxaanu  si derajo dhaaf lahayn, uu xilal uga soo qabtay Wasaaradda Daakhiliga oo ah Wasaaradda ay hawl-wadaagta yihiin Dawladaha Hoose.

Xoghaye Cali, waxa uu   xiligan ka ahaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Agaasimaha Waaxda  Gobollada, Dhaqanka iyo Siyaasadda oo uu muddo toban sanno ku dhow hayay.

Cali Xasan, waxa uu ka mid ahaa saraakiisha iyagoo shaqeynaya, dhinacna ka waday tacliinta, waxaanu  ka aflaxay  2013-kii  Jaamacadda Hargeysa oo uu shahaadadii koowaad ee Jaamacadda ku diyaariyay maamulka iyo xisaabaadka. Waxa kale oo uu ku darsaday inuu Post Graduate ku qaatay xalinta khilaafaadka sannadkii 2014-kii.

“Cali Xasan Cawaalle, Xoghayeyaashayadii soo maray sannadihii u dambeeyay xafiiskan waa qofkii noogu  khibradda badnaa, marka la eego muddada dheer ee uu shaqada Wasaaradda Daakhiliga hayay,”ayuu yidhi Axmed Derajo oo ahaa Xoghayihii hore ee Dawladda Hoose soo maray oo Sabtidii ka hadlay madal martiqaadkii u horreeyay loogu sameeyay Xoghayaha cusub ee degman Hargeysa.

Xoghayuhu  tan iyo Sabtidii,  waxa faagaareyaashii uu ka hadlay ka sheegay inay ka go’an tahay inuu ka shaqeeyo horumarinta caasimada Hargeysa, waxaanu dadweynaha ka magansaday inay maamulka Dawladda Hoose kala shaqeeyaan horumarinta caasimada Hargeysa. Waxaanu ka mahadceliyay siday qof-qof iyo wadar-ba ugu

tahniyadeeyeen  bulshadu masuuliyadan loo igmaday.

 

Dadka xog ogaalka u ah  Dawladda Hoose ee Hargeysa, waxay sheegeen in Xoghayaha cusub shaqo weyni u taallo oo ay aaminsan yihiin inuu ka dabaallan karo marka uu abuuro jawi wada shaqeyneed oo dhex mara Maayarka, Ku-xigeenkiisa iyo Guddiyada Golaha Deegaanka. Iyadoo dadweynahana laga qayb gelinayo inay kaalin muuqata ku lahaadaan jaangoynta mashaariicda la xidhiidha horumarinta magaaladooda.

Aqoontayda shakhsiga ah ee aan u leeyahay Cali Xasan, waxaan aaminsan nahay inuu yahay nin ka dhex shaqeyn kara duruufta taalla Dawladda Hoose ee Hargeysa oo waliba la iman kara hal-abuurnimo iyo adkaysi uu yoolkiisa ku gaadho. Waana mid aragtidiisa geesi ku ah oo shaqada markay tahayna ma daalle darban ah oo ay u caddahay wuxuu qabanayo iyo siduu u qabanayaaba.

Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com