Cabdiraxmaan-Cirro Oo Cisbitaalka Ku Booqday Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe Oo Xaalad Caafimaad U Jiifa

0
154

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa cisbitaalka guud ee Hargeysa ku booqday Muj.Yuusuf Cabdi Caboobe oo halkaas maalmihii ugu danbeeyay u jiifay xanuun la soo darsay.

Waxa uu guddoomiyaha booqashadiisan ku wahelinaayay xubno ka mid ah masuuliyiinta sar sare ee xisbigaas, waxaana isaga oo halkaas ka hadlay uu yidhi "Waxaanu ku soo booqanay cisbitaalka Muj.Yuusuf Cabdi Gaboobe, waxaanu u soo booqnay si aanu u ogaano xaaladiisa guud Allena waxaanu uga baryaynaa mujaahidka iyo dadka kale ee xanuunsanayaba inuu caafimaad siiyo, waxaanu jecalnahay in xaaladiisa aan ogaanay oo aanu ka qaybgali doono insha allaahu waxii loo qabanaayaba."

Cirro, wuxuu sheegay inay Yuusuf Cabdi Gaboobe la garab istaagi doonaan wixii ay awoodaan.