Xoghayaha Beelaha Dhaqanka Samaroon Oo 14-Qodob Ka Soo Saaray Shirweyne Ay Beeshiisu Dhawaan Yeelan Doonto

0
530

Borama (Geeska)-Xoghayaha guud ee Beelaha Dhaqanka Gadabuursi (Samaroon), Cabdikariin Cismaan Xasan ayaa waxa uu ka hadlay Shirweyne la filayo inay Beeshihiisu ay dhawaan yeelan doonto, waxaanu sheegay in Shirweynahaas ay Beeshisu kaga arinsan doonto, waxaana qoraal afar iyo toban qodob ka kooban oo uu soo saaray u dhignaa sidan“Waxa aan soo jeedinaayaa si loo mideeyo aragtida Umaddan loogana samato baxao  dib u dhac inagu yimaada, loona fuliyo hawalah Shir waynaha anigoo kaashanay xogogaalnimadayda  waayo arignimadayada iyo hawalihii badanaa ee aan la soo hayey  hogaanka dhaqanka waxa aan soo ban dhigaayaa talooyinkan

 1-In shirweynah dib loo dhigo si deg deg ahna kal duwanaashaha fikradeed xal  looga gaadho qaybihii Bulshada ee hore  u hogaaminayey qabasashada Shirweynaha  kuwaas oo ka koobnaa Culumada, Aqoonyahanka, Gancsatooda, Qurbo jooga, Dhalinyarada iyo Haweenka

2-Si loo ilaaliyo midnimada iyo wada jirka hogaanka dhaqanka in dib u habayn laagu sameeyey xubnah ay ka kooban yahiin Maanta

3-In la sameeyo Gudi gawsdanbeeda ah oo ka kooban Culumada,  Aqoonyahanka iyo Gancsatada oo utaagan xal u helida kolba waxii khilaaf ah ee ku yimaada geedi u socodka umadani reer Awdal.

4-In qabshada Shirweynaha si isla garasho ah loo cayimo wakhatiga ugu haboon  laguna dadaalo in loo dhanaadao

5-Inuu Siyaasad ka madax baanaado lagun jiheeyo  horimarinta Nabadgalyada iyo midnimada Dadka

6-In Qurboj-ooga loo siiyo fursad ay ku iman lahaayeen

7-In Shirweyanaha laga soo saaro Odayaal dhaqameed ku ay ku qaybsamaan iyo waa jibaadka

8-In Guddiyada qaban qaabada laga qayb galiyo Dhalinyarada, Odayaasha, Saxaafada iyo Haweenka Shirka ka horna qayb kastaa ay dhameysato shaqadeeda

9-In shirweynaha waxa kasoo baxa Golaha Hogaanka Dhaqanka ee uu taajka uyahay Ugaaska Guud ee Beelah Gadabuursi  

10-In ergooyinka laga siiyo Dhalinyarada oo ah lafdhabarta Umadda ahna tirada ugubadan Umadda

11-In dekeda Lughaya waxa kasta laga horaysiiyo taladeedan laga qayb galiyo Ganacsatooda iyo Maalqabeenka gudo iyo dibadaba

12-In Shirweynaha lagu uunko Sanduuq dhaqaale  oo lagu horumariyo deegaanada kala duwan ee dhaqaalaha dalka gudihiisa iyo dibadiisa iyadoo loo samaynaayo Xeer lagu jaan gooynaayo Maamulkiisa

13-Waxii dhaqaale ah ee laga uururiyo Barri iyo Galbeedba  si adag loo xafido lana dhamaystiro   Hantida hore ee loo qorsheeyey dhismah iyo Dekada iyo Shirweyneha barkaysan 14-In geed dheer iyo geed gaabanba loo koro sidii loo heli lahaa cidii inaga caawin lahayda dhismah Dekada Lughay  hadaba waxa aan iidiin xasuusinaayaa inaan horumar la gaadhayn, Siyaasadna la maamuli karin, nabadagalyo la ilaalin Karin, arimo bulshada la daryeeli karin, haddii aan lagu shaqayn midnimo wadareed iyo is kaashi wadareed  sidaa darteed waxa aan usoo jeedinaayaa in ay xaqa iskugu hiiliyaan kan baxan fikradaha fadhiidka ee dabarka ku noqonaaya wadajirka iyo Umadeena baro kaysan waa aan in lag waan toobo in la gacan bidixeeyo, arimah xalka uu baahan oo la joojiyo arinta oo dhanaysa macalin baan ahay oo waxbarshada iyo waxa dhigista ma soo dhaafo, dhakhtarbaan ahay oo ma soo dhaafo bukaanka sheekh baan ahay oo Masjiidka ma soo dhaafo, Gancasato ayaan ahay oo dantayda ma soo dhaafo,  Marxalada la marayo darteed waa in aynu gacmaha is qabsanaa  oo aan ka wada shaqaynaa Nabada iyo midnimada horumarka iyo in aan dhan ugu soo wada jeesano kolba waxii uu dhigmi kara nabada galyada xasiloonida iyo dadkan aan ka soo jeedno ee Boqortooyadii ADALINBAAYAR”.