Xoghaya Guud Ee KULMIYE Oo Magacaabay Guddi Qaban-qaabo

0
516

Hargeysa (Geeska)- Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf ayaa, oo ah Garabka taageersan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa soo saarey qoraal uu ku socodsiinayo hogaanka Xisbiga Kulmiye islamarkaana, uu ku magacabaayo Guddida qabanqaabada Shirka Golaha Dhexe. Qoraalkan  ayaana u dhignaa sidan   "Ku: Hogaanka Xisbiga Kulmiye

 Ujeedo:Magacaabis Guddi Qabanqaabo Mudanayaal sida aad la socotaan waxa la qaban doonaa 1/6/2014ka Shirweynihii Sadexaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye,hadaba si howshaasi si habsami ah ugu qabsoonto waxa la idiin Magacaabay Guddida Qabanqaabada Shirweynaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

 1-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin

2-Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe

3-Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen(Balaaki)

4-Axmed Cali Maxamuud

5-Mustafe Faarax Abraar

6-Cabdi Siciid Faahiye

7-Maxamuud Axmed Saalax

 Allaa Mahad Leh

Xasan Siciid Yuusuf 

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye".