Xoghaya Ciyaaraha Ee Xisbiga Wadani; Yuusuf Nuux (Tadhase) Ayaa Bulshada Usoo Bandhigay Sababaha Ay U Baaq-Deen Horyaaladii Ciyaaraha Hargeysa Iyo Borama

0
128
Suurtagal Maha In Horyaalka Ciyaarahu Qabsoomaan , Iyadoo Qarashkii Garsoorka Ee XKCSL Uu Wasiirku Amaahday

Hargeysa (Geeska) Xoghaya Ciyaaraha ee Xisbiga Wadani, Yuusuf Nuux Yuusu (Tadhase) ayaa ka dayriyey xaalada horyaalka ciyaaraha Caasimadda Hargeysa iyo Borama.

Xoghayaha oo warbaahinta la hadlay shalay ayaa sheegay in Horyaaladii Kubadda Cagta ee Heerka kobaad, Labaad iyo Sadexaad  ee Magaaloyinka Hargeysa iyo Borma ay qabsoomi wayeen. Arintan ayaa xoghayuhu ku sheegay in lacagtii lagu qaban laha ciyaaraha Hargeysa oo ay gacanta ku haysay xidhiidhka kubadda cagta Somaliland, wasiirka wasaarada DH&C qorshe kale u isticmaalay.

Dhanka kale Tadhase ayaa sheegay in Magaalada Borama ayna suurta-gal ahayn in garoonka Xaaji-daahir ka qabsoonto ciyaaro. Xoghayaha Ciyaaraha ee Xisbiga Mucaaridka ayaa tilmaamay in dayac badani ka jiro Garoonka Xaaji daahir Borama, kaas oo roogaga lagu ciyaaro ayna ahayn mid suurtogalinaya. Sidoo kale, wuxu sheegay in Cabashada Dhalinyarada iyo kooxaha Borama ay ka soo jeediyeen xaalada garoonka Xaaji Dahir ayna ahayna mid ciyaari ka qabsoomi karto ay tahay mid xaqiiqa. Hadalkiisina waxa ka mid ahaa “laakiin garoonka Xaaji Daahir Stadium Maanta uma diyaar aha in ciyaari ka dhacdo oo wuu burburay.  Roogga garoomka yaala  ayaa lagu ciyaarayay sanadki hore, waxana ku curyaamay 6 ciyaartoy oo ahaa laacibiintii gobolka Awdal usoo baxday”

Hadaba, Xogahaya oo Warbaahinta la hadalay, Warbixinta qoraalana ka soo diyaariyey xaaladaha ku gadaaman Horyaalka ciyaaraha Boram aiyo Hargeysa ayaa Warbaahinta la wadaagay. Qoraalka Yuusuf Tadhase ayaa u dhignaa sidan:-

“Horyaaladdii Kubadda cagta ee Heerarka koowaad iyo labaad ee Xaaji Daahir Stadium ka qabsoomi lahaa sannadkan may qabsoomin, waxaan sabab u ah inaanay qabsoomin Wasaaradda iyo XKCSL, kadib markii ay ka soo bixi waayeen balantii ahayd in dayactir loogu sameyn doono garoonka Xaaji Daahir Stadium.

Dhallinyarta kooxaha kala duwan ee Borama Maanta kaliya waxay leeyihin “idin ma diidanin, idinma xumaynayno, anagu waxa nala yidhaahda bah waynta ciyaaraha, qabiilkayagu waa Sports oo siyaasad shuqul kuma lihin. Anaga ayaa Maanta jecel inaanu Ciyaarno oo sanad ku dhawaad fadhina, anaga idinka baahi badan ciyaar anaga maanta rabna inaan tartano joogta ah helno, idinka jecel laakiin garoonka Xaaji Daahir Stadium Maanta uma diyaar aha in ciyaari ka dhacdo oo wuu burburay.  Roogga garoomka yaala  ayaa lagu ciyaarayay sanadki hore, waxana ku curyaamay 6 ciyaartoy oo ahaa laacibiintii gobolka Awdal usoo baxday. Ciyaartoygaasi hada Dhaawac kaliya  maaha, laakin  mustaqbalkoodii Kubaddeed ayaa 50/50 ah. Markan la eego roogga garoomada sida caadiga cimrigisu waa 3 sano ama 4 sano. Halka Rooga imika yaalana 8 sanno wax ka badan uu yaalay. Sidoo kale goobti lagu ciyaarayey xayndaabki kala hayay ciyaaryoyda iyo taageerayaasha ayaan isagina mesha jirinba, halkaasna amnigi ciyaartoyga ayaaba halis Kujira. Waxa Iyana jirta in qolaal ay ciyaartooyadu ku labistaan oo kaso baxan maba laha garoonku,  xata suuli ay kuso waysaystan majiro.

Kaabadihii ayaa dumaya dayrki baa dumaya melaha qaarna duur ayayba noqoto kubadu markay ku dhacdo cidi kadooni lahayd ayaaba laysku qabsada cabsi aawaded oo waa bahalo galeen garonka baahiyaha intaas leeg ubaahan sanadkan kuma ciyaari karayne hanalo dayac tiro sanadka dhana awalba 2 bilood baan ka ciyaari jirnay inan iska fadhino sanadkana wax dhiboy kenaysa majirto  anagana ku qanacsan inan fadhino.

Haddaba su aasha mesha taala waxa weyi dhalinyaradi gobolka ee Maanta jeclayd horyaal sanad le ah helan kobab helan madama ay u tanaasulen baahida garonka taala waa maxay ujeedada ama hadafka laga leyahay in qasab kuciyaara la idhaahdo ama la idhaahdo gunada yar ee awalba waxba ahayn ayaa laydinka goynayna, oo Ruqsaddii ayaa laydin kala noqonaya waxaas oo handadaada ama hanjabaada keentay ?

Wa ta labade faa idada kujirta in laciyaaro ama ugu jirta wasarada ciyaara iyo xidhiidhka maxay tahay iyado kooxuhu sobobta ayna uciyaarayn cadeeyen ? War waxan odhan lahaa dhalinyarada waxan kujirin yaan la galin war yaan dhalinyarada la colaysan war yaan dhalinyarada doonistooda la siyaasadayn.

waar yaan xuman iyo cuqdad dhalinyarada lagashan inta hawsha gacanta kuhaysana waxan idin leehay war ama dhalinyaradiina la dareen noqdo soo raaca ama wllayaal hadaladiina xanafta leh kolay waxba uma qabanaysaane plz kadaayo afkiina uun ka haysta hadalkayga waxan kusoo gunaanadaya cabudhinta dhalinyarada halaga daayo oo wax qasab ah aduunyada ma jiraane hadaanan rabin inan ciyaarno qasab maahe yaan la siyaasadayn .

Dhinaca kale, Xaaladda Ciyaaraha Caasimadda. Horyaaladdii heerarka koowaad, labaad iyo saddexaad ee caasimadda Hargeysa lama ciyaarin muddo saddex toddobaad ah, sababta ugu weyn ayaa ah in kharashkii Garsoorka ee ciyaaraha ka hadhay Horyaaladda lagu qaban lahaa uu Guddoomiyaha XKCSL uu amaahiyay Wasiirka Wasaarada DH&C, Lacagtaas oo dhan 30,000,000 (Soddon Milyan oo Sl.Shillings). Wasiirka ayaa lacagtaas ka dhigtay Kharash muddadii uu joogay magaalada Borama toddobaadkii hore.

Xisbiga WADDANI waxa uu arrintaas u arka fool-xumo tii ugu weynayd, in Wasiirkii dhamaa uu saqajaanimadiisa uu gartay inuu yidhaahdo ha lay Amaahiyo Lacagta Garsoorka taas oo uu isna la qabo Guddoomiyaha XKCSL oo aan kala tashan Guddoomiye Xigeenkiisi iyo Xoghayahaba. Waxaanu cod dheer ku sheegayna inaanu ka Xisbi ahaan aanu aad uga xun nahay tudhaale la’aanta iyo saqajaanimadda Wasiirka Ciyaaruhu uu ku kacay, taasina waxay ku tusaysa fashilka xukuumadda KULMIYE ee dad aan ehelkeeda ahayn ay ku soo dhex tuurayso Wasaaraddii Ciyaaraha”.