Xog Qaldan Oo Aynu Ka Aaminsannahay Caafimaadka Ilkaha Iyo Muhiimadda Bedelaadda Burushka Ilkaha (Q.1)

0
712

Hargeysa (Geeska)- Waxaa jira arrima la xidhiidha caafimaadka ilkaha iyo nadaafaddooda oo aaminsanaantoodu awoow laga soo gaadh uun iska tahay, oo qofku arkay uun bulshadiisa oo sidaas aaminsan isna ku raacay isaga oo aan baadhis cilmi isku deyin. Shabakadda Bright Side ee ka faalloota arrimaha caafimaadka ayaa baahisay xogo ay dadku isla dhex maraan oo ku saabsan ilkaha iyo arrinta runta ah ee ka dambaysa, qormadaas oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Shabakadda Alcarabiya waxa ay ku sheegtay qodobbadan:

1. Marka ay suus noqoto sonkortu kama duwana cuntooyinka kale

In ilkuhu suus yeeshaan eeddeeda waxaa iska leh bakteeriyada khatarta ah ee soo deysa asiidhka sababa suuska, in suusku uu koro oo ilkaha ku fido dhaawacna u geystana waxaa sahla hadhaaga cuntooyinka Carbohydrate ka ah ee ilkaha ku hadha oo cunto u noqdo bakteeriyadaas, sababana in ay korto. Haddaba sonkortu sababta ay ilkaha u dhaawacaysaa ma’aha in ay sonkor uun tahay, balse waa in marka ay ilkaha ku hadho ay isu beddelayso Carbohydrate. Marka ay sidaas tahayna inta badan ee cuntooyinka aynu isticmaalno oo xitaa ay ku jirto cuntada caafimaadka u fiican ee ay ka mid yihiin khudradaha iyo cuntada firiga/galka leh marka ay ilkaha ku hadhaan waxa ay isu beddelaan carbohydrate waxa aanay sababaan suus ilkaha gala.

2. Gabadha uurka leh iyo dhakhtarka ilkaha

In gabadha uurka lihi ka warwareegto u tegista dhakhtarka ilkuhu waa fikir dad badani taageersan yihiin, laakiin xaqiiqadu waxa ay tahay in kaas liddigiisu sax yahay, oo marka ay ilko xanuun dareento ay dhaqso ugu tagto dhakhtarka si ay isaga daweyso.

Inta badan sababta ay hooyada uurka lihi u diiddan tahay in ay dhakhtarka ilkaha u tagtaa waa cabsi ay ka qabto saamaynta taban ee ay dawadu ku yeelan karto uurjiifka, laakiin cilmibaadhis cusub ayaa muujisay in suuxdinta qayb ahaanta ee gabadha uurka leh lagu sameeyaa aanay dhibaato ku keenayn ilmaha caloosha ku jira.

3. Ilka caanoodka (Ilkaha carruurnimo ee hore)

Dad badan ayaa aaminsan in ilkaha carruurnimo suuska ku dhacaa aanu dhib lahayn, maadaama oo ay ilkuhuba dhacayaan. Waxa ay dhakhaatiirtu caddeeyeen in ilkaha carruurnimadu u nugul yihiin suuska, marka uu ku dhacana ay keenaan khatar caafimaad oo ah in caabuq iyo olol uu cirridka ku dhaco, kana tago raad caafimaad darro oo ilkaha dambe ee rasmiga ahi marka ay soo baxaan khatartoodu gaadho.

4. Burushka ilkuhu adayg iyo jileec midkee ayuu ku fiican yahay?

Dad badan ayaa aaminsan in burushka adagi u fiican yahay nadiifinta ilkaha, laakiin xaqiiqada cilmiga ahi waxa ay tahay in burushka jilicsani uu ka fiican yahay burushka adag, sababtuna ay tahay ugu horreynba in aanu dhaawacayn cirridka, iyo in uu kaga fiican yahay nadiifinta ilkaha.