Xisbiyda Qaranka Iyo Shirgudoonada Baarlamaanka Oo Taageeray Baaqa Madaxweyne Siilaanyo

0
495

Picture4Hargeysa (Geeska)-Madaxda Xisbiyada Qaranka iyo Shirgudoonka Golayaasha Qaranka ayaa ka hadlay hadaladii dhawaan ka soo yeedhay Mareykanka, Ingiriiska iyo EU-da, waxayna wax lala yaabo ku tilmaameen in la yidhaahdo Somaliland ka soo bax Gobolada Sool iyo Sanaag,iyaga oo sheegay inay Somaliland xaq u leedahay sugida iyo ilaalinta Xuduudaheeda iyo Goboladeedaba, oo aanay cidna uga amar qaadan doonin.

Kulan balaadhan oo Shalay ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo uu Madaxweynuhu halkaas hadal ku saabsan arintan, ayaa waxa ay sheegeen inay taageersan yihiin hadalka Madaxweynaha oo ay muqadas tahay in qadiyada Somaliland meel looga soo wada jeesto,  Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafadka ah e KULMIYE  Muuse Biixi Cabdi ayaa ugu baaqay shacbiga reer Somaliland in ay difaacaan Dalkooda Somaliland,waxaana uu carabka uu ku dhuftay in Shacab iyo Axsaaba ay ka midaysan yihiin in sida Madaxweynaha Qaranku uu ku hogaamiyo in ay ku difaaci doonaan isaga oo sida oo kalena tibaaxay in aanay difaacida Qaranka Somaliland aanay Cidna uga haybadaysanayn.

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuuse Biixi Cabdi isagoo kulankaas ka dib saxaafadda la hadlay wuxuu yidhi   "Maanta (Shalay) shirkani waxaa uu ahaa Shir Qaran oo lagu difaacayey Qaranka oo lagu soo duulay Shicib,Xukuumad iyo Axsaab dhamaanteenba waxaa inagu waajib ah in aynu dalka difaacno,Madaxweynuhuna inagu hogamiyo,waa maalintii la midoobayey waxii kale oo dhana halkan ayaa la dhigayaa maanta difaac qaran ayeynu ka midaysanahay madaxweyne Xisbiyo shacaba waanu kugu daba taaganahay nagu hogaami sida dalka lagu difaacayo cidna uga habadaysan mayno dawladina inagu amri mayso in aan dalkeena ka baxno"

Dhanka kale Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo isna ka hadlay kulankan  ayaa sheegay inuu taageersanyahay baaqa Madaxweyne Siilaanyo,  Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu beesha caalamka u sheegay  in ay difaacanayaan qarankooda Somaliland isla mar ahanataana ay soo jeesanayaan sidii ay meel isaga marin lahaayeen Cadawgooda waxaana uu yidhi "Arrinta aan Maanta (Shalay), isagu nimid waxa weeye waa arin muqadasa,waxa weeye difaaca Qaranka,hadalka uu Madaxweynahu yidhina waanu garab taaganahay hadanu nahay Xisbiga Cadaalada Iyo daryeelka UCID Iiyo Axsaabta kaleba,waxanaa loo baahan yahay waxa weeye in ay tahay fariin adag oo aanu u dirayno mujtamaca aduunka oo aanu leenahay hadaanu nahay umada reer Somaliland oo qaranimadeeda ilaa sadex iyo labaatan sano haysatay,waxaanu maantana aanu udiyaar nahay in aanu dhiig u hurno Cusub sidii loo hirgalin lahaa midnimada iyo gooni isu taaga Somaliland,waxaanu leenahay dadka reer Somaliland ee halkaasi dagana hadalku idinka idin kuma socdo ee waxaa uu ku socdaa Cadawga Somaliland ee doonaya inay  map Cusub samaystay ee doonaya in ay fidmadii Somalia ay ka wadeen in ay Xagan u soo kaa xeeyaan markay ka soo jeesteen Somalia ay Somaliland u soo jeestaan,horaan u sheegoo waxaan idhi anagu waxaanu leenahay dhabar la cuno ee laakiin ma lihin Shaf la cuno ee waanu soo jeesanaynaa".

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacil (Cirro), oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in wax laga xishoodo tahay in Somaliland lagu yidhaahdo ka soo baxa qaar ka mid ah Goboladeed, waxaanu sheegay in aanay cidna u daba fadhiisanayn Xuquuqadaha,Gobolada  iyo jirtaanka Somaliland.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa soo dhaweeyey go'aanka uu qaatay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) isla markaana uu  ku taageersan yahay,  waxaanu yidhi "Qaranku waa mid,waxaana hogaamiya Madaxweynaha Madaxweynihii Qaranku waa yidhi,hadalka intaa uu yidhi waa ay ku dhantahay madax kale iyo qaran ahaana intaas ayaanu ku raac sanahay intaas ayaa Madaxweynaha iyo dawladiisaba lagu taageer sanyahay wixii loo baahdana dal iyo duunyaba waa loo diyaar". 

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa si qoto dheer  uga hadlay hadalo ka soo yeedhay qaar kamida beesha caalamka kuwaasi oo sheegay in Ciidamada Somaliland ay iskaga soo baxaan Dagmada Taleex,waxana uu ugu baaqay in ay ixtiraamaan Xuduudaha Somaliland, kuna soo dhawaynayaan in ay soo arkaan in Xuduudaha Somaliland in wali ay yihiin sidii ay gumaystayaashii Afrika ay dhulka u kala qaybiyeen, waxaanu yidhi "Hadaan ka soo jeedo Beesha bari ee Sool iyo Sanaag waxa aanu qaadanay mawqifkaas uu Madaxweynuhu uu qaatay dalka anaga ayaa iska leh cid kale oo aanu kala qayb sanaynaa ma jirto anaga ayaa ku raaliya waxaanu u sheegaynaa beesha Caalamkana in ay ixtiraamaan Xuduudaha Somaliland cidii doonaysana in ay soo aragto waxaanu u fidinaynaa in ay soo aragto Xuduudu Meesha ay tahay Maraykan ha noqoto ama ingiriiska ha noqoto ama EU-da ha noqoto waxaanu ku marti qaadaynaa in ay yimaadaan Xalin oo aanu tusno Xuduudu Meesha ay marto iyo wali in ay sideedii ay u dhisan tahay,markaa shacabka Somaliland shacabka Bariga jooga waxa weeye maanta duulimaad baa laynagu soo qaaday waxa aynu daafacaynaa waa dalka Somaliland waa loo midaysan yahay oo waad aragtaan cid inaga maqanina ma jito mawqifkaa madaxweynuhu qaatayna waanu qaadanaynaa sidas ayaanan kugu garab taaganahay madaxweyne"