“Waa Ayaan Darro Inay Puntland Maanta Sheegato Sool Iyo Sanaag”

0
524

Picture5Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha  Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed  Maxamuud(Siillaanyo) ayaa ka hadlay Ciidamada Qaranka Somaliland ee dhawaan la wareegay  Degmada Taleex ee ka tirsan Gobolka Sool.waxana uu ugu hambalyeeyey Ciidamada Qaranka Somaliland talaabada iyo mawqifka geesinimada leh ee ay guulaha ugu soo hooyeen Qaranka Somaliland,waxana uu carabka uu ku dhuftay in aanay cidna uga tanaasulayn adkaynta iyo ilaalinta qadiyada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa hadalkan ka sheegay kulan balaadhan oo Shalay uu isugu yeedhay Madaxda Qaranka ugu saraysa ee Xukuumada,Golayaasha Baarlamaanka Iyo Axsaabta Qaranka kaasi oo lagaga wada tashanayey Arinta hada ka taagan Degmada Taleex ee Gobolka Sool, waxaanu yidhi "Waxaan Jecelahay in aan halkan ka cadeeyo Maadaama aanu halkan aan isagu nimi dhamaanba Madaxdii Qaranka Somaliland Xaalada dalkeena ka taagan aanu ognahay Ciidamadeena Qaranka iyo mawqifka ay qaateen iyo guulaha ay soo hooyeen iyagana aan hambalyo balaadhan aan u diro oo sidaasi aynu sheegnay aanu marwalba u cadaynayno dalkeena iyo dadka kaleba in aan mawqifkayaga la fahmi waayin in aanu dalkayaga daafacaadiisa aanan cidna ku xadgud bayn ,cidna wax ugaysanayn,Ixtiraam iyo qadarina aanu u hayno dadka iyo Umaha jaarka ah intaba laakiin anan uga tanaasulayn qadiyada Somaliland iyo Difaaca dalkayaga Somaliland-ba"

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaasi uu ku daray in ay beesha Caalamka iyo cidii kale ee danaynaysaba ay u sheegayaan in Somaliland ay marwalba jeceshahay nabad ku wada noolaanshiyaha Mandaqada iyo guud ahaanba Beesha caalamkaba balse ay qadiyada Somaliland tahay mid lama taabtaan ah isla mar ahaanbtaana aanay Marnaba Somaliland ogalayn in faragalin dibadeed,mid siyaasaded iyo mid milatariba  ay qalad ku yihiin dalka iyo dadka Somaliland, waxaanu yidhi "Beesha Caalamka iyo cid kasta oo danaynaysaba,waxaa jirta in Somaliland hore ay u cadaysay Mawqifkeeda nabad ku wada noolaanshiyaha iyo daganaanshaha Mandaqada,Aaminsan nahayna in Cid walba ay dani ugu jirto,waxaan se aan kor iyo Hoos ba aan u sheegayaa in qadiyada Somaliland ay lama taabtaan tahay dawlad,Xisbiyo iyo Baarlamaanba in aanu heegan aanu u nahay Adkaynta nabad galyada iyo Sugida Nabad galyada Somaliland,Wadamada aanu dariska nahay iyo Beesha Caalamkaba  waxaanu jecel nahay in aan nabad ku wada noolaano Mana ogalin faragalin dibadeed,mid siyaasadeedba iyo mid Milatari toona dhulkayaga iyo dadkayaga qalad ku ah"

Ugu danbayntii Madaxweynaha Somaliland waxaa uu ugu baaqay dhamaanba Bulshada iyo Shacbiga reer Somaliland in ay u midoobaan una soo jeestaan difaaca dalka iyo adkaynta Nabadgalyada, waxaanu yidhi "Shacbiga reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa in ay usoo jeestaan oo ay u midoobaan difaaca dalka iyo adkaynta nabad galyada".

Dhinaca kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyahaa Golaha Guurtida Somaliland Md:Saleebaan Maxamuud Aadan oo isna dhinaciisa soo dhaweeyey go'aanka uu qaatay madaxweyne Siilaanyo isla mar ahaantaana ku taageeray waxanaa uu yidhi:

"Qaranku waa mid,waxaana hogaamiya Madaxweynaha Madaxweynihii qaranku waa yidhi,hadalka intaa uu yidhi waa ay ku dhantahay madax kale iyo qaran ahaana intaas ayaanu ku raac sanahay intaas ayaa Madaxweynaha iyo dawladiisaba lagu taageer sanyahay waxii loo baahdana dal iyo duunyaba waa loo diyaar"Ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan 

Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa hadalkan ka sheegay kulan balaadhan oo maanta isagu yeedhay Madaxda Qaranka ugu saraysa ee Xukuumada,Golayaasha Baarlamaanka,Iyo Axsaabta Qaranka kaasi oo lagaga wada tashanayey Arinta hada ka taagan Dagmada Taleex ee Gobalka Sool.

"Waxaan Jecelahay in aan halkan ka cadeeyo Maadaama aanu halkan aan isagu nimi dhamaanba Madaxdii qaranka Somaliland Xaalada dalkeena ka taagan aanu ognahay Ciidamadeena Qaranka iyo mawqifka ay qaateen iyo guulaha ay soo hooyeen iyagana aan hambalyo balaadhan aan u diro oo sidaasi aynu sheegnay aanu marwalba u cadaynayno dalkeena iyo dadka kaleba in aan mawqifkayaga la fahmi waayin in aanu dalkayaga daafacaadiisa aanan cidna ku xadgud bayn ,cidna wax ugaysanayn,Ixtiraam iyo qadarina aanu u hayno dadka iyo Umaha jaarka ah intaba laakiin anan uga tanaasulayn qadiyada Somaliland iyo Difaaca dalkayaga Somaliland-ba"Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaasi uu ku daray in ay beesha Caalamka iyo cidii kale ee danaynaysaba ay u sheegayaan in Somaliland ay marwalba jeceshahay nabad ku wada noolaanshiyaha Mandaqada iyo guud ahaanba Beesha caalamkaba balse ay qadiyada Somaliland tahay mid lama taabtaan ah isla mar ahaanbtaaana aanay Marnaba Somaliland ogalayn in faragalin dibadeed,mid siyaasaded iyo mid milatariba  ay qalad ku yihiin dalka iyo dadka Somaliland.

"Beesha Caalamka iyo cid kasta oo danaynaysaba,waxaa jirta in Somaliland hore ay u cadaysay Mawqifkeeda nabad ku wada noolaanshiyaha iyo daganaanshaha Mandaqada,Aaminsan nahayna in Cid walba ay dani ugu jirto,waxaan se aan kor iyo Hoos ba aan u sheegayaa in qadiyada Somaliland ay lama taabtaan tahay dawlad,Xisbiyo iyo Baarlamaanba in aanu heegan aanu u nahay Adkaynta nabad galyada iyo Sugida Nabad galyada Somaliland,Wadamada aanu dariska nahay iyo Beesha Caalamkaba  waxaanu jecel nahay in aan nabad ku wada noolaano Mana ogalin faragalin dibadeed,mid siyaasadeedba iyo mid Mila tari toona dhulkayaga iyo dadkayaga qalad ku ah"Ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Ugu danbayntii Madaxweynaha Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaa uu ugu baaqay dhamaanba bulshada iyo shacbiga reer Somaliland in ay u midoobaan una soo jeestaan difaaca dalka iyo adkaynta nabad galyada

"Shacbiga reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa in ay usoo jeestaan oo ay u midoobaan difaaca dalka iyo adkaynta nabad galyada".Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo