“Xisbiyada Waxaan Leeyahay Loolankiina Cagta U Dhiga, Oo Xisbi Waliba Barnaamijkiisa Umadda Ha U Soo Bandhigo”

1
966

Suldaan Xasan oo shacabka ugu baaqay inay nabadgelyada ilaaliyaan wakhtiga doorashada

Hargeysa (Geeska)-Suldaanka guud ee Beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa ka hadlay Doorashada Madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa iyo loolanka adage e u dhexeeya Xisbiyada, waxaanu Xisbiyada ugu baaqay in si anshax iyo asluubi ku jiraan ku tartamaan, oo barnaamijyoodada Siyaasadood soo bandhigaan.

Suldaanka guud ee Beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Komishanka Doorashooyinka ugu hambalyey qaabka ay kaadhadhka u qaybiyeen, waxaanu Shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay nabadgalyada ilaaliyaan, waxaanu ugu horeyn yidhi “Marka hore waxaan hambalyo u dirayaa Komishanka Doorashooyinka Somaliland, oo waajibaadkoodii ka soo baxay, gaar ahaan Diiwaangelintii iyo kaadh qaybintiiba, Doorasho nabdoon ayaana insha allaah inoo dhici doonta, oo ALLE inooga rajaynayaa, waliba Doorasho Xisbiyeysan oo anshax ku dhisan inay dhacdo, ayaan inoo rajaynayaa, Shacabkuna nabadgalyadooda ha ilaashadaan”

Suldaan Xasan mar uu ka hadlaayey loolanka Xisbiyada ayaa yidhi “Xisbiyada waxaan leeyahay loolankiina cagta u dhiga, oo Xisbi waliba barnaamijkiisa umadda ha u soo bandhigo, oo anshaxa ha ilaaliyaan, oo si wanaagsan fariimahooda ha u gudbiyaan, oo Barnaamijyadooda ha ku kala kasbadaan Bulshada, oo ha ka dheeraadan wax walba oo dhib keeni kara”.

 

Comments are closed.