Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Si Rasmi Ah Ugu Biiray Xisbiga KULMIYE

0
840

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa ka hadlay sababta uu uga tagay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani isla markaana ku laabtay xisbiga Kulmiye oo uu hore uu uga tirsanaa.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa sidan ka sheegay xaflad kooban oo lagu qabtay hudheelka Dhoolayare ee Hargeysa waxaana isaga oo arimahaas ka hadlaayay uu yidhi “Nin raysal wasaare isku dhigay oo meesha haystay oo imtaxaana ayaa na rifay rifay rifay runtii waan xamili kariyaay intaas in ka badan, waxaan ku idhi Muusow waad arkaysaa inankani naga hadhi waa waakaas oo waa ina daba joogaa aniguna nin reer bari ah ayaan ahay oo waan kaa dulqaad yarahay  Muusow waan kaa tagayaa meel aan ka soo dagaalamo ayaan tagayaa,ninkii yaraa ee gaabnaa laftiisii ayaa hadana iga daba yimi ma waayo teetal uu marka hore ku soo galo marka danbena uu ku xulo, xisbigii Waddani taladii ninkaas ayaa la wareegay xisbigaasina halis ayuu daaqayaa dad badan oo i jeclaa oo aan jeclaa ayaa xisbigaas Waddani ku jiray dad dibada jooga ayaa ku jiray, dad aanu reer Togdheer ahayn oo deegaan hawdka wada ahayn oo gob ahaa ayaa ku jiray laakiin waxa weeye ninkii halkan gubay ayaa halkaasna tagay halisna waa uu u yahay  anigu hadana tiina waan xamili waayay, maanta waxaan ku soo noqday xisbgii oo nabad ah dadkii oo is jecel.”