Xisbiyada Qaranka, Shirguddoonka Wakiilada Iyo Madaxweyne-Xigeen Hore Oo Ka Hadlay Maalinta 18 May

0
770

Hargeysa (Geeska)-Axsaabta Qaranka, Shir gudoonka Barlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa hadlay xuska munaasibada 18-may iyo khudbadii Madaxweynaha ee munaasibadan, waxayna dhammaantood sheegeen inay guud ahaan Shacabka reer Somaliland uga hambalyeynayaan xuska munaasibadan.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Jamaal Jaamac Xaamud, Guddoomiye ku xigeenka Barlamaanka Dr Cali Yuusuf Axmed iyo Madaxweyne ku Xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere isagoo ka hadlay dareenkiisa Xuska 18 may ayaa yidhi “Guud ahaan Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu hambalyeynayaa xuska 18 may, oo runtii ah maalin qaran oo inagu qaaliya, waa maalintii aynu dib ula soo noqonay xoriyadeena madax banaanida dalkeena, waa maalintii aynu yeelay calan inoo gaar ah oo uu ku qoran yahay tawxiidku, waa maalintii aynu noqonay dal iskii u madax banaan, marka laga yimaado 1960, oo aynu Ingiriiska ka qaadanay xoriyadeena, inaganaa Somaliya uga horeenay Dawladnimada, sidaas oo ay tahay midnimadii aynu la midawnay ee aynu ku khasaarnay, ee aynu kala kulanay dhibka, cadaadiska iyo cadaawada, wax ka khayr badan buu ALLE inoogu bedelay, oo halgan dheer kadib ayeynu dib ula soo noqonay xoriyadeenii, maanta meel fiican baynu maraynaa, waxaynu nahay dal Dimuqraadiya, waxaana aad iyo aad ugu mahadnaqayaa Shacabka reer Somaliland oo dhab ahaan si heer sare ah u muujiyey qadiyadooda, inay Somaliyana ku quusato ayaa loo baahan yahay, dhab ahaana Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi, wuxuu soo jeediyey khudbad aad iyo aad u qiimo badan, waxaana sannadkan sannadkiisa ILLAAHAY inooga baryayaa inuu inagu gaadhsiiyo barwaaqo, horumar iyo ictiraaf, waxaana guud ahaan Shacabka Somaliland leeyahay mid ka noqda qaranimadiina, oo wax walba oo ka soo hor jeeda qaranimadiina ka taxadira”.

Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Jamaal Jaamac Xaamud oo isna ka hadlay dareenkiisa xuska 18 may ayaa yidhi “Maalinta 18 may, waa maalin la iskaga yimid, oo lagu midoobay, waa maalin qaran, Shacabka Somaliland dal iyo dibadba halkay joogaan waxaanu leenahay hambalyo, maalinta 18 may, waa maalin la wada leeyahay, laakiin waxaa haboon in wixii la wada leeyahay in si cadaalada ah oo sinaani ku jirto loo wada lahaado, mana ah in cid gaar ahi tunka saarato, imika waxaynu arkaynaa in Cali Khaliif Galaydh uu leeyahay Dastuurka dib ha loo furo, Dastuurkuna aayad iyo quraan maaha ee waa in dib loo furaa, oo wax walba dib loo hagaajiyaa, ta kale 18 may madaama ay tahay maalin qaran, Madaxweynuhu Shir jara’iid kumuu jirin, ee waxay ahayd khudbadii qaranka ee xuska 18 may, ee waxay ahayd inuu ku eekado khudbada munaasibada 18 may, laakiin muu ahayn inuu si gaar ah u dhaliilo Xisbiga Waddani, isla markaana uu yidhaahdo Xisbiga Waddani ayaa Doorashada diidan,Madaxweynaha waxaan leeyahay Xisbiga Waddani doorasho ma diidana ee wuxuu diidan yahay khaldaadka badheedhka ah ee jira, ee garnaqsiga Xisbiga Waddani ee la iska indho tirayo”

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee  Barlamaanka Somaliland Dr Cali Yuusuf Axmed, oo isna dareenkiisa ka hadlaya ayaa yidhi “Umadda Somaliland waxaan ku bogaadinayaa, oo aan ugu hambalyeynayaa  xuska 18 may, waxaana leeyahay hambalyo, dhab ahaana maalintani waa maalin inagu qaaliya, maanta iyo maalintii ugu horeeysay ee aynu xusnay isku meel ma joogno, isku meeqaamna ma nihin, ALLE ayaa mar walba garabkeena taagan, madaama aynu nahay dal iyo dad muslim ah, ee ALLE ramadaanta iyo soonka ha inaga aqbalo, qaabkii wacnayd ee guud ahaan dalka la iskaga soo baxay, iyo qaabkii aynu u xusnayna aad iyo aad baan ugu farxay, taasina waxay muujinaysaa inaynu ku taagan nahay dhabihii guusha iyo ictiraafka, ee aqoonsigii ALLE weynu haysanaa, oo dad muslim ah ayeynu taas u nahay, oo waliba Calankoodu tawxiid yahay, ee aqoonsiga kale ee Caalamkuna uu iska iman doonaa, ee mar walba waxaan Shacabka leeyahay isku duubnada, oo qaranimadiina meel uga soo wada jeesta”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo isna ka hadlaya dareenkiisa munaasibada xuska 18 may ayaa yidhi “Maansha allaah, dhalinyarada iyo dadkaas dabaal degayey, waxay u badan yihiin dadkii dhashay wixii ka dambeeyey 1991, mana ah dad gabi ahaanba yaqaana Somaliya, ee waa dad yaqaana Somaliland, iyo dalkooda, waa dhiig cusub, oo aan aqoon Farmaajo iyo Somaliya toona, Somaliland waxay caan ku tahay wada tashiga, isku tanaasulka, iyo wax wada qabsiga, dadka reer Somaliland waa dad gobonimo, sharaf iyo maamus ku sifoobay, sababtoo ah Somaliland halkan kumay soo gaadhin ciyaar, ee duruufo adag iyo marxalado waayo kala duwan leh ayeynu u soo marnay, intaas oo marxaladood oo kala duwan ayeynu soo marnay, duruufo adag ayeynu ka soo gudubnay, maanta meel fiican baynu maraynaa, dhabihii guusha ayeynu haynaa, horumar balaadhan oo dhinacyo badan leh ayeynu gaadhnay, halkaynu hiigsanaynana weynu gaadhi doonaa, Mucaarad iyo Muxaafidna waxaan leeyahay mar walba danta umadda ka fikira, oo wixii khilaafaad ah ee jira ka heshiiya, oo khilaaf kasta oo jira xal ku soo dabaala, Calankan dusheena ka babanaya, Somaliyana waxaan leeyahay Calankani uu ku xardhan yahay magaca adduunka ugu qaalisan, ee Tawxiidku inuu dhaco, oo Calan kale Somaliland laga taago waa habeenkii xalay ahaa, ee taas niyadiina ka saara, Somaliland hore haddii ay god ugu dhacday dib ugu dhici mayso, Somaliland haddii ay hore dabin u gashay dib u gali mayso, Somaliland waxay Somaliya diyaar ula tahay jaarnimo wanaagsan, iyo iskaashi, iyo inaynu noqono laba dal oo jaar ah, balse diyaar ulama ah midnimo dambe, oo aynu la midawno”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Somaliland cid iyo reer gaari ma wada leh, ee cidda degan oo dhan ayaa wada leh, dadka Somaliland waa dad aad iyo aad u wanaagsan, oo qiimaha dawladnimada iyo dalnimada yaqaana, ee taladaydu waa inaynu wada ilaashano qaranimadeena, oo aynu ka dheerano wax kasta oo fidno iyo dhib keenaya, cid kasta oo aan ogolayn Somaliland, ama diidan maalinta 18 may, waxaan leeyahay  18 may waa maalin qaran, oo la wada leeyahay, ee adigoon buuq sameeysan, ama wax ka sheegin maalintan, meesha aad jeceshay tag, oo waxba ha ka sheegin 18 may”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here