“Xisbiyada Qaranka Iyo Musharixiintooda Waxaan Leeyahay Si Nadiifa Ah U Tartama”

0
648

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed-gacan), oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay Doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka ee sannadkan dhacaya, waxaanu ku taliyey in laga fogaado wax kasta oo keenaya musuq, shaki iyo mad-madaw, waxaanu si gaar ah farriin ugu diray Komishanka, Xukuumadda, Xisbiyada iyo Shacabka reer Somaliland.

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed-gacan),oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Covid-19 iyo abaaraha dalka ka jira, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Golaha Guurtida ee uu ka tirsan yahay iyo waajibka ka saaran qaranka “Gole Guurti ahaan xil baa mar walba naga saaran qaranka, mar kasta lexe-jeclo ayaanu ka qabnaa Dalka iyo Dadkaba, waxaanu jecel nahay inaynu hore u socono, oo aynaan dib u noqon, waxaanu mar walba xil iska saarnaa inaanu cid kasta ku dhiirigelino sugida nabadgalyada ALLE ina siiyey, waxaanu ka hor tagnaa ALLE inooma keeno colaad kasta oo dhacda, oo waxaanu ka shaqeeynayaa sidii aanu colaad kasta heshiis iyo wanaag ugu soo dabaali lahayn, imikana waxaan cid kasta oo reer Somaliland ah ku boorinayaa inaynu nabadeena ilaashano, kana digtoonaan wax kasta oo hagardaamo ku ah qarankeena…”

Mar wuu ka hadlayey Doorashooyinka ayaa yidhi “Doorashooyinku wey inoo dhici doonaan insha alaah, oo Doorashooyinka Golayaasha Wakiilada Iyo Deegaanka waxay insha allaah inoogu dhici doonaan wakhtigii aynu u qabanay, laakiin waxaan ka digayaa inay inoo dhacaan Doorashooyin mad-madaw, musuq, eex, cadaalad daro iyo shaki lagu tuhmo, waxaana ku baaqayaa inay inoo dhacaan Doorashooyin xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay, Komishankana waxaan leeyahay masuuliyadaas idin saaran mar walba sida ugu daacadnimada badan ugu soo baxa, oo si cadaalad ah dhex ugu ahaada Musharixiinta tartamaya, Xisbiyada qaranka iyo Musharixiintooda tartamayana waxaan leeyahay si nadiifa ah u tartama, oo tartan xalaal ah ku tartama, Dawladdana waxaan leeyahay masuuliyadaada kaga soo hagaagta Doorashooyinka oo ay ka mid tahay sugida nabadgalyada sida ugu haboon u gudo, Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxaan leeyahay musharixiintii kala duwan ee aad wadataan si asluub iyo anshax ku jiro u taageero, uguna coddeeyo, oo iska ilaaliya wax kasta oo cadaawad iyo caafidfad keeni kara”.

Mar wuu ka hadlaayey Covid_19 ayaa yidhi “Cudurkan Covid 19, waa cudur halistiisi aad u badan tahay, oo dad badani inagaga dhinteen, ee aad ha la isku ilaaliyo, oo wacyigelinta ha la qaato, ALLENA waxaynu ka baryeynaa inuu cudurkan inaga dulqaado, oo caafimaad taama inoogu bedelo”.

Dhinaca kale Xildhibaan Axmed Gacan ayaa ka hadlay abaaraha, waxaanu ku baaqay in bariyada ALLE iyo cabsidiisa la joogteeyo, loona gurmado dadka ay abaaruhu saamaynta xoogan ku yeesheen.

 

Geeska.net/Hargeisa Office