Maayarka Hargeysa Oo Bogaadiyay Shaqaalaha Dam-damiska Dawladda Hoose

0
646

Picture2Hargeysa (Geeska)-Maayarka Magaalada  Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa ka hadlay Suuqa Waaheen ee Hargeysa oo dab qabsaday habeen hore, isaga oo sheegay in    Dab-damiska dawladda hoose badbaadiyeen, dabkiina bakhtiiyeen, waxaanu  ugu baaqay in jidadka suuqaasi dhex mara dadka dhex degani ka guuraan si loogu gurman karo wixii dhib ee ka dhaca Suuqa.

Maayarka oo shalay ka hadlay masaajidka Cali Mataan oo uu dadka kula tukaday salaadii Jimce wuxuu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa ciidanka dabdamiska dawlada hoose oo xalay (Habeen hore), labadii habeenimo badbaadiyey suuqa weyn ee waaheen, isago makhsin ka mid ah dab qabsaday, waxa nasiib wanaag ahayd in saddex cisho ka hor aanu jidkaasi suuqa loo mari lahaa banaynay shan boqol oo mitir oo olole ku qaadnay, bani’aadamku inuu ganacsado waa muhiim laakiin in jidkii iyo meelihii suuqa loo dhex mari lahaa loo xidho waa arrin adag, waxaan leeyahay wadooyinki loo mari jiray suuqa waaheen waanu banaynaynaa, dadkii suuqa inji loo dhisay ha galaan, intii suuqa jajabka loo dhisayna ha gasho, laakiin marna aqballi mayno in meel loo maro la waayo meeshii hantidii umadani oo dhani taallo, xalay qolka gubtay waxa yaalay hanti dhan sodan kun oo dollar oo ay la jaar ahayd meheradihii kale oo  hantiddii umadani oo dhan yaaliin, haddii ayna maalinti dhowayd jidkii banayna way isla bas beeli lahayd, aad baan u mahd celinayaa ciidanka dab-damiska iyo ciidanka dawladda hoose sida wanaagsan ee suuqaasi u badbaadiyeen, waxaana dadweynaha leeyahay jidka Saylada ka timaada ee maalintii dhowayd banaynay iyo ta kale waqooyiga martaba waa in dadka degani ka guuraan, qofna waddo dhexdii loo ogolaan maayo inuu dhex dego, wadooyinka dhexmara suuqa waa la wada banaynaya”

Intaas ka dibna waxa uu booqday suuqa waaheen iyo meheraddii gubatay, waxaanay dadweynaha suuqa waaheen u mahad naqeen dawladda hoose iyo gurmadkii degdega ahaa ee ay ugu timid, iyagoo ballanqaaday inay la shaqayn doonaan dawladda hoose.Maayarka ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay qalab ay u qaybin doonaan dadka ka ganacsada suuqa, si ay iskaga guraan qashinka, waxaanu talooyin u soo jeediyey sidoo kale Waalidka, oo uu ugu baaqay iany Caruurtooda la ilaalyaan basar xumada.