Xisbiyada Mucaaradka Oo Salaadiinta Uga Digay Inay Qabyaalad Umadda Ku Kala Qaybiyaan

33
3544

Hargeysa (Geeska)-Labada Xisbi ee Waddani Iyo UCID, ayaa Madax-dhaqameedka iyo Salaadiinta Somaliland ugu baaqay inay ka dheeraadan wax kasta oo umadda kala dilaya, waxayna kula taliyeen inay ka fogadaan qabyaalada iyo hadalada caadifada leh keenaya dhibta.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde Jaamac iyo  Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Eng: Axmed Xirsi Ducaale oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Doorka Warbaahineed ee Somaliland iyo  xaalada ka taagan Gobolada Barri,  Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde Jaamac ayaa ugu horeyn yidhi “In Salaadiintii loo baahnaa inay umadda u ahaadan muunad iyo hormood waa ayaan daro inay qaranimadii ka tagaan, oo ay qabyaalad iyo waxaynu ka soo gudubnay dib inoogu celiyaan, halkii maanta loo baahnaa inay Salaadiinteenu umadda ku dhiirigeliyaan qaranimada iyo sidii qabyaalada loola dagaalami lahaa, waa ayaan daro inay iyagu maanta warbaahinta iskugu jawaaban, waxaana guud ahaan Salaadiinta ugu baaqayaa inay milgaha iyo sharafta uu magacoodu huwan yahay ilaaliyaan, oo ay ka fogaadan wax kasta oo dhib iyo naxli keenaya”.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani mar uu ka hadlaayey Warbaahinta ayaa yidhi “Waxaanu nahay dal Dimuqraadiya, waxaanu nahay dal Saxaafaddu xor tahay, markaas in Xukuumaddu Warbaahinta u kala hiiliso, oo ay kala jeclaysto, waa khalad, sababtoo ah Xukuumaddu iyada ayaa u wada Xukuumad ah guud ahaan Warbaahinta dalka, markaas marka la yidhaahdo Masuuliyiinta Xukuumaddu waxay u warami karaan oo qudha Warbaahinta Dawladdu leedahay, maaha sharci, xeerka saxaafaddana wuu ka hor imanayaa”.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani mar uu Bulshada baaq u diraayey ayaa yidhi “Wadankeena Somaliland amaankaas iyo nabadgalyadaas buuxda ee ka jira ALLE ka sakow, Shacabkeena ayaa keenay, ee mar walba inay Shacabku dhankooda ka ilaaliyaan nabada ayaa wanaagsan, inay Shacabka qabyaalada iyo caadifada ka dheeraadan ayaa wanaagsan, oo qaranimo ku xisaabtamaan”

Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Eng: Axmed Xirsi Ducaale oo isna ka hadlay ugu horeyn arinta Salaadiinta ayaa yidhi “Xisbi UCID ahaan arintan hore waanu uga hadalnay, laakiin in Madax-dhaqameedkii, Salaadiintii iyo Odayaashii taladda iyo dhaqanka loo daba fadhiisanaayey, inay Siyaasada ku hirdamaan, oo ay hadal xanaf leh iyo dhaliilo is wareydaarsadaan, maaha wax meesha qabta, mana ah waxaynu ka filaynay, ee waxaanu leenahay dib iskugu noqda haddii aad tihiin Madax-dhaqameedkii iyo Salaadiintii Somaliland, oo dib u saxa khaladaadkiina, oo danta umadda iyo danta dalka ka taliya, haddii aad maanta idinkii aad Qabyaalad iskugu faahntaan maxaad bulshadana ka filaysaan, markaas waxaan Madax-dhaqameedka farayaa inay magacooda ilaashadan, oo karamadooda ilaashadan, oo ay dadka isku wadaan, oo caadifadda ka dheeraadan”.

Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID mar uu ka hadlaayey Warbaahinta ayaa yidhi “Haddii ay Warbaahintu xor tahay maaha in loo faxay inay wax walba baahiso, balse taladdaydu waa inay Warbaahintu baahiso wararka umadda waxtar iyo faa’iido u leh, iskana ilaaliso, wararka bulshada iyo umadda reer Somaliland kala fogaynaya, waxaana muhiim ah inay Warbaahintu bulshada u soo gudbiso wararka iyo barnaamijyada qiimaha ugu fadhiya, ee waxtarka u leh”.

Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID mar uu Bulshada baaq u diraayey ayaa yidhi “Somaliland sodon sanno ku dhawaad ayey dawlad ahayd, ee ilaa haddana lama aqoonsan, balse umadda Somaliland iyada ayaa is aqoonsatay, ee waxaan ku talinayaa inay  Umaddu ka dheeradan wax kasta oo dhib ku keenaya, oo kala fogaynaya,waxaana kula talinayaa inay midnimadooda iyo qaranimadooda ilaashada, kana feejignadaan wax kasta oo khatar ku ah dalkooda iyo amaankooda, madaama aynu cadaw badan leenahay, waana in aynaan fursad siinin cadawgeena”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here