Wasiir Faratoon Oo Midho-dhal Ku Macneeyay Safarkii Madaxweynaha Ee Itoobiya

58
5022

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo ka mid ahaa Weftigii Madaxweyne Muuse Biixi ee dalka Itoobiya tagay, ayaa ka hadlay safarkan, waxaanu tilmaamay inay labada dal ka wada hadleen waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin Ganacsiga,

Nabadgalyada,Dekadda Berbera, waxaanu xusay in Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya ay si gaar ah u kulmeen.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo baaq u diray Beesha Caalamka, waxaanu ugu baaqay in aanay marnaba iska indho tirin qadiyada iyo jiritaanka Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya safarka ay ku tageen Itoobiya, “Safarka aanu ku tagnay Dalka Itoobiya, waxa uu ahaa safar inoogu soo dhammaaday guul, iyo is fahan labada dhinac ah, safarkan oo uu na hogaaminaayey Madaxweynaha Qaranku Muddane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ahaa safar lagu sii xoojinaayey xidhiidhkii inaga dhexeeyey Itoobiya, waxaana Madaxweynuhu uu martiqaad ka helay Dawladda Itoobiya, runtiina si heer sare ah ayaa la noogu soo dhaweeyey Itoobiya,arimo badan oo labada dal khuseeyana waanu ka wada hadalnay, sida Mashruuca Berbera corridor, xoojinta nabadgalyada labada dal, iskaashiga dhinaca Ganacsiga labada dal, waxa laga wada hadlay dhisada iyo balaadhinta Dekadda cusub in arimahana sida ugu dhakhsaha badan u hirgalaan, ayaana labada dal isku af garteen,Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal-wasaaraha Itoobiyana si gaar ah ayey isku arkeen, anagu Wasiir ahaana Wasiiradda dhiggayaga ee Itoobiya ayaanu kulamo yeelanay” .

Wasiirka Waxbarashadu mar uu baaq u diraayey Beesha Caalamka ayaa yidhi “Somaliland marxalado badan oo adag bay ka soo gudubtay, weyna isku tashatay, xoriyadeedii ay iska lumisay ayey dib ula soo noqotay, maanta Somaliland waa dal dhisan, oo madax banaan, oo xadkiisu sugan yahay, markaas in Dawladda Somaliya ee iyadu weyday awood iyo karti ay ku xasiliso amaankeeda, inay faraha la soo gasho Somaliland waa khalad, waana gardaro ee Somaliya iyo Puntland waxaanu uga digaynaa inay Somaliland faraha la soo galaan, Beesha Caalamkana waxaanu leenahay Somaliland waa dal madax banaan, oo marnaba aan u socon Somaliya, ee marnaba ha Somaliland ha ku khaldina Somaliya, Beesha Caalamka waxaan leeyahay Dawladnimada, Dadaalka, kala dambaynta iyo Xasiloonida ka jirta Somaliland waad ka war qabtaan, xaalada ka taagan Somaliyana waad ka war haysaan ee Aqoonsiga ha nalaga bakhaylina”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here