Xukuumadda Oo Si Habaqle Ah Uga Jawaabtay Shirka Qaran Ee Mucaaradka

0
555

Picture3Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa u muuqata inay ku dawakhday shirka qaran ee ay ku baaqeen isbahaysiga mucaaradku, waxaana taas laga dheehan karaa sida habaqlaha ah ee ay uga jawaabeen.

Isbahaysiga xisbiyada mucaaradka ayaa shirka talada qaran ku baaqay Salaasadii doraad, waxaana islamarkiiba ka jawaabay wasiir-xigeenka amniga Md. Axmed Faarax Cadare iyo taliyaha ciidanka Booliska Sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, iyagoo hoteelada uga digay inay martigeliyaan shirkaas mucaaradku ku baaqeen, waxaana la xoojiyay ammaanka guud ee caasimada Hargeysa.

Xukuumadu jawaabtii isbahaysiga mucaaradka kuma joojin, Arbacadii shalayna waxa siyaabo kala duwan warbaahinta ula hadlay toddoba  masuul oo xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ka tirsan. Badhasaabka gobalka Maroodijeex Maxamed Maxamuud Jeeniyare  ayaa  xisbiyada u diray farriin hanjabaad ah. Wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayay isagana  shirjaraa’id oo shirkaas qaran ee mucaaradka jawaab u ah ay wada jir u  qabteen guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal ayaa isaguna shirjaraa’id oo uu xafiiskiisa ku qabtay wuxuu kaga jawaabay baaqa mucaaradka. Wasiirka arrimaha bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir ayaa isna farriin uu ku baahiyay baraha ay bulshadu ku haasawdo wuxuu kaga jawaabay baaqa mucaaradka.

Marka laga tago guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, waxa 24 saacadood gudahood baaqa mucaaradka ka jawaabay lix masuul oo ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kuwaas oo bixiyay jawaabo isku mid ah amaba isu dhow oo ku socda mucaaradka.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa ay caan ku tahay is barbaryaac marka ay arrini soo waajahdo. Tusaale ahaan warqadii Sucuudiga ee ay Wikileaks dhawaan faafisay waxa ay xukuumadu uga jawaabay sidan oo kale si habaqle ah.

Si kastaba ha ahaate waxa is barbaryaacan iyo jawaabahan badan laga dheehan karaa inaanu jirin qorshe loo dejiyay in lagaga jawaabo hadalada mucaaradka iyo shirka ay ku baaqeen; kaas oo sabab u noqday in masuul weliba gaarkiisa u go’aansado inuu jawaabo.