Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Oo Ka Hadlay Mawqfikiisa Muddo Kordhin Madaxweyne Oo Timaada

0
665

Picture4Hargeysa(Geeska):-Suldaanka guud ee salaadiinta beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa  ka hadlay arragtidiisa ku aadan muddo korodhsiimo loo sameeyo xukuumada madaxweyne Siilaanyo, waxaana uu tilmaamay in uu ogal-yahay in muddo korodhsiimo loo sameeyo xukuumada hada jirta, isaga oo carabka ku dhuftay in marka wakhtiga xukuumadani uu dhamaado lagu dhacaayo meel banaan sidaas darteedna aanu ogalayn in dawlad la’aan uu dalku galo.

Suldaanka Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa hadalka ka sheegay mar uu ka hadlaayey munaasibad qado sharaf ah, waxaana uu ugu horeyn uu farta ku fiiqay in goleyaasha baarlamaanku ay gabi ahaanba gabeen hawshii iyo shaqadii ay bulshadu u dooratay.

"Goleyaasha, anigu goleyaasha waxbaan ka qabaa. goleyaasha ay Somaliland dooratay goleyaal sidii laga rabay u shaqaynaaya way ka dheer yihiin, golahaa deegaanka ayaa malaha wax hawshiisii wada jira, laakiin Labada gole ee kale wax Alleh yaale wax ay umadda u tareen ma jirto, waxaaba aan ka baqaynaa in doorashada soo socota ee loo hadaaqayo in ay diba inooga dhigaan, anigu haday muddo korodhsiimo ay timaado taa waanu ogal-nahay, waayo dawlad la'aan lagu dhici maayo, wakhti banaan ayaa jira taasina waa Laba Nabi dhexdood, ma dhacayso, xukuumada wakhtigeedii waa uu dhamaaday, haddii uu dhamaadana xaalad ayaa la galayaa, xaaladaana haddaan cid wax xukunta la keenin ama la helin, dee waxba la qaban kari maayo, doorashana sida la doonayo uma soo dhawa imika, dee waxa aan leenahay dadka reer Somaliland midhkaana ha iimaan sadaan, nabad galyadoodana ha mideeyaan, xukuumad la'aan ma yeelayno, laakiin muddo korodhsiimada anigu horeba waan ugu kordhiyey maalintaan Salaxley joognay ee aynu ka hadlaynay, taasina waxa ay u baahan tahay korodhsiimo fudud oo wax lagu qabto oo cidii xilkan umaddan u haysaa ay u da'dajiso, laakiin haddii la yidhaahdo intaas oo sano ayaan u kordhinee xaga danbe aynu iska dhigno, dee waxaa ay inagu sababaysaa wax mashaakilkeeda leh oo ka bixi mayno.”Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu xisbiyada mucaaradka ah uu ku tilmaamay kuwo aan u naxayn bulshada reer Somaliland, waxaaana uu yidhi:“Anigu waxaan leeyahay Axsaabta Mucaaradka ahi mucaarad waxaa ay ku yihiin, dadkooda marka ay u naxaan, maaha ninka mucaaradka ahi indhaha uun in uu faraha ka galiyo oo uu yidhaahdo waxba lama kordhin karo, caqlibaa Illaahay idin siiyee Axsaabta mucaaradka ahi ha ku fakeraan caqliga oo dalka marxalad adag ayaa ku soo wajahanee in wax laga qabto oo idinkuna aad taageeradiina aad bixisaan ayaa la'idiin ka baahan yahay, haddaad axsaabta mucaaradka ah aad tihiin.".