Xisbiga Waddani Oo Xarunta Akhriska Ee Maxamed Mooge Ku Wareejiyey Buuggaag Iyo Khudbadii Cirro

0
553

Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland sida oo kalena ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani iyo wefti uu hoggaaminaayo, ayaa Labaatan buug oo isagu jira buuggaagta Mahadho oo ka waramaya sooyaalkii waxqabad ee marxuum abwaan Gaariye iyo buuga Geel-jire iyo Aqoon-jire oo isna ka waramaaya  sooyaalkii taariikheed marxuum Maxamuud Axmed Cali ku wareejiyey xarunta dhaqanka, hidaha iyo akhriska ee Maxamed Mooge.

Munaasibad kooban oo lagu qabtay xarunta akhriska ee Maxamed Mooge oo ku taala magaalada Hargeysa, ayaa waxaa ka soo qeyb galay guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), xoghayaha warfaafinta xisbiga Waddani Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, xoghayaha dalxiiska Mubaarik Cabdi Xasan, afhayeenka garabka dhalinyarada heer qaran ee xisbiga Waddani Md.Maxamed Sidiiq Dhamme, Haldoor-Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, guddoomiyaha xarunta dhaqanka iyo akhriska Maxamed Mooge Hoodo-Ayaan, xunbo kale oo ka tirsan xarunta akhriska ee Maxamed Mooge iyo marti kale oo aad u tira badan.

Waxaana ka hor intii aan la guddo galin munaasibada ay guddoomiyaha iyo weftigii uu hor kacaayeyba ay  dhalinyarta xarunta akhriska ee Maxamed Mooge kula wadaageen akhris wadareedkoodii 52aad, iyada oo halkaasi uu mid ka mid ah dhalinyarta xarunta akhrisku kula wadaagay nuxurka buuggaag uu soo akhriyey iyo sida oo kale qaabkii ay u noolaan jireen asxaabtii rasuulka (SCW).

Intaas ka dib guddoomiyaha xarunta akhriska, dhaqanka iyo hidaha ee Maxamed Mooge Marwo:Hoodo-Ayaan oo halkaas ka hadashay,  ayaa si balaadhan u soo dhaweysay guddoomiyaha iyo weftiga uu horkacaayey, waxaana ay tilmaantay in ay ka xarun ahaan ay aad ugu farax san yihiin in mas’uuliyiinta xisbiga Waddani kala soo qeyb galaan akhris wadareedkoodii 52aad iyada oo sida oo kalena iftiimisay ujeedooyinkii loo aas aasay xarunta, waxaana carabka ku dhufatay in xaruntan akhriska ee Maxamed Mooge ay u taagan tahay sidii dhalinyarta loogu dhiiri galin lahaa akhriska sida oo kalena ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka dalkooda hooyo.

"Farxad weyn ayaa ay maanta noo tahay in xaruntan Maxamed Mooge uu nagu waheliyo guddoomiyaha xisbiga Waddani ahna guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland iyo barnaamijka akhris wadareedka iyo guud ahaan baalashiisa uu ku duulo ee ka tirsan xisbiga Waddani, runtii waxaa ay naga linaysaa yididiilo hor leh, waxaan idin leenahay ku soo dhawaada, xarunta cilmiga, rugta wacyi gelinta, rugta baraaruga dhalinyarada ee xarunta Maxamed Mooge, galabtani waa galab farxadeed, waa galab ay madaxdu soo ajiibtay oo ay iyagu soo codsadeen in ay inta ay dhalinyartooda si kedis ah ay ugu yimaadaan ay wax la akhristaan hadyadan qiimaha badan iyo kutubtana u keenaan, waanu idin hambalyeynaynaa soo dhawaada ayaan idin leenahay, xaruntu hada waxay jirtay muddo sadex sannadood ah, wax hay'ad ah ama dawlada oo maal galiyaana ma jiraan, dhalinyarta yar yar oo aan anigu u weynahay ayaa gacanta ku haysa, waxa aanu isu xil qaanay ee aanu isu taagnayna waxa weeye dhalinyarta in aanu baraarujino, in aan awoodayada mideyno, in aanu ka baxno oo aanu dadka niyadooda ka saarno, in hay'ad ama ururo uun wax qaban karaan, in aanu tusno oo dhalinyarta aanu ku baraarujino in ay yihiin cududii wadanka.".Ayey tidhi Hoodo-Ayaan.

Xoghayaha gaarka ah ee guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Maxamed Xasan Dirir sida oo kalena ka mid ahaa aas aasayaashii xarunta dhaqanka, hidaha iyo akhriska ee Maxame Mooge oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay farxad gaar ah u tahay in xaruntan oo ay hore uga qeyb qaateen ka dhalinyar ahaan dhismaheedii iyo kobaceediiba ay hadana maanta iyadii oo dhisan ay buuggaag ku wareejinayaan, waxaana uu si gaar ah u ammaanay guddoomiyaha xarunta iyo kooxdeeda oo si hagar la’aan ah naftooda ugu hurey jiritaanka xaruntan.

"Farxad ayey runtii ii tahay in aan munaasibadan maanta ee akhris wadareedka ah ka soo qeyb galno, xarunta Maxamed Mooge, waxaan xasuusta wakhtigii aan aas aasaynay xaruntan oo aan Hoodo-Ayaan odhan karo aniga iyo Cabdishakuur Heersare iyo koox aanu ku jirnaa markii aanu aas aasaynay waxaanu isweydiinay xaruntan aynu ka fekernay ee aynu isku geygaynay yaa wadi kara ee hoggaamin kara, kana midho dhalin kara. Hoodo-Ayaan qofkii aanu dhammaantayo isla garanay in ay wadi karto ayaa ay ahayd, maantana waxaa ay soo gaadhsiisay oo ay naf-hur ku soo gaadhsiiyeen iyada iyo kooxdeeduba in aynu maanta halkan si wada-jir ah aynu akhris wadareedkan ugu samayno, aad iyo aad ayaan ugu hambalyeynayaa, waxaana aan idin leeyahay mar walba guddoomiyaha iyo hoggaanada kala duwan ee xisbiga ka fisha in sidan oo kale ay mar walba oo ay wakhti leeyihiin ay idin kala soo qeyb galaan akhris wadareedkan oo kale.".Ayuu yidhi Md.Maxamed Xasan Dirir.

Haldoor-Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo isna halkaas ka hadlay, ayaa dhankiisa aad ugu mahad celiyey qaabilaadii ay dhalinyarta xaruntu sida balaadhan ugu soo dhaweysay xarunta, waxaana uu sheegay in immaanshaha guddoomiyahu aanu noqon doonin mid markan oo kaliya ku eeg balse uu rajaynaayo in isaga oo madaxweyne ahna uu dib ugu soo laaban doono xarunta akhriska ee Maxamed Mooge, lana wadaagi doono barnaamijkooda akhris wadareed.

"Waxaynu Illaahay ka beryeynaa in mas'uuliyiintayada uu gadhwadeenka ka yahay guddoomiyaha xisbiga Waddani ahna madaxweynaha mustaqbalka in haddii uu Illahay talada dalka nagu guuleeyo isaga oo madaxweyne ah uu sidaas oo kale mar Labaad idiin ku soo booqdo, deeq intan ka balaadhan oo mugweyna isaga oo idiin wada aynu mar Labaad isku soo noqo Illaahay idamkiisa Isaga ayaa aynu ka baryeynaayee, walaalkeena Yaasiina xiise gaar ah ayaaba uu madaxda u galiyey oo inta aan arkaayey ay si aada hadalkiisa u dhuganaayeen, waxaan rajaynayaa in maalin maalinta uu guddoomiyahu firaaqa haysto uu isaga oo kaliya oo aanay cidba la socon uu idiin iman doono Insha Allah.".Ayuu yidhi Barkhad Jaamac Xirsi.

Xoghayaha warfaafinta xisbiga Waddani Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in aanay xarunta dhaqanka iyo akhriska ee Maxamed Mooge ugu iman arrimo olole balse ay ugu yimaadeen sidii ay ugu dhiiri galin lahaayeen hawsha balaadhan ee hayaan sida oo kalena ay ugu wareejin lahaayeen buuggaagtan oo muhiimad gaar ah u leh akhriska.

"Odey Dheeg la yidhaahdo ayaa jira oo Guurtida ku jira in u xaafadahan degan yahay ayaan umalaynayaayee, dabadeetana waxaa uu ka mid ahaa dadkii silsiladii Deelay ku jiray, oo hal hees ayaa uu ku lahaa, heestaas ayaa waxaa ku jiray dalka waan ka quustee dunida show rag nool baa ku jiray, aniguna maanta magaalada Hargeysa ee sidaas ah ismaan lahayn ragbaa ku jira oo jooga oo rag noocan oo kale ayaa joogaba, markaa waa rejo iyo yididiilo weeyaan. Annagu halkan olale idin kumaanan iman, dar Illaahay ayaanu idiin ku nimi, inta aanu idiin la nimidna cidna idiin lama iman, idiin lamana iman doonto, waad sheekteen oo halkan wasiiro ayaa yimi se intan aanu idiin keenay cid idiin keentay ma jirto, way jiraan qof qof buug idiin la soo galaa se cid tirada intan in leeg ah cid idiin keenta wali may daan arrag, waxaanu idin ku baraarujinaynaa uun waxa weeye waynu baranay sida dadka sanaaduuqda inta cod loogu guro deedna loo doorto se waxaa aynu iyadana doonaynaa in ay barano sida loola xisaabtamo oo loo soo qabto ninkii albaabka iska soo xidha inta waxa uu doono sameeyo.".Ayuu yidhi Md.Boobe Yuusuf Ducaale. Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo isna halkaas ugu danbeyntii ka hadlay, ayaa ugu mahad celiyey dhalinyarta iyo maamulka xarunta dhaqanka Maxamed Mooge qaabkii wanaagsanayd ee ay ugu soo dhaweeyeen xarunta, waxaana uu sida oo kale sheegay in wakhti wal oo uu firaaqo helo uu la wadaagi doono sidii uu wax ula akhrisan lahaa dhalinyarta , isaga oo sida oo kalena ku dheeraaday muhiimada ay xaruntani u leedahay guud ahaan dalka oo dhan. "Maanta aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan idin kala soo qeyb galo akhris wadareedkan, waxaa ay ii tahay farxad gaar ah oo Af-Soomaali cusubna waan bartay maanta oo ay ka mid ahayd eray aan ka maqlay inanta Hoodo-Ayaan oo ah Siyaasi Fayow, waxaana aanu dhammaantayo jecel nahay in aynu noqono siyaasiyiin fayow, erayada kale ee aan maanta bartayna waxaa ka mid ah akhris wadareed, halkaa hortaydana waxaa ku qoran cilmiga horumarinta awoodaha aadamiga, waa maado igu cusub iyada lafteedu, markaa xarunta Insha Allah mar kasta oo aan wakhti u helo waan ka soo qeyb geli doona Hoodo-Ayaana waan ku hambalyeynayaa iyo cidii kale ee gacansiisayba, runtiina waxaan qabaa xarunta waa ay ka miisaan weyn tahay inta ay leeg tahay, waa xarun cilmiyeed, waa xarun aqooneed, waa xarun cilmi baadhiseed iyo waliba xarun ka shaqaynaysa horumarinta awoodaha Aadamiga. Annaguna sida Boobe sheegay ummaanan iman in aanu u socono olale, idiin kumaanan iman in aanu idin nidhaahdo Waddani soo gala, laakiin waxaanu idiin ku nimi oo aanu idin ku dhiiri galinaynaa shaqada aad haysaan, xilka aad umadda u haysaan, waayo wax badan oo axsaabtu aanay hayn ayaad haysaan. Maantana waxaan jeclaanay in aan idin ku wareejino buugaagtan iyada oo aanu jecel nahay in anau buuxino khaanado badan haddii Illaahay idmo.".Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro). Ugu danbeyntiina waxaa halkaas xarunta dhaqanka, akhriska iyo hidaha ee Maxamed Mooge ay guddoomiye Ciro guddoonsiisay hadyad qaali ah oo ah Kitaabka qur'aanka kariimka, iyo Koor.