Hargeysa(Geeska)-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa xalay xilkii iyo xubinimadiiba ka qaaday laba xubnood oo ka tirsan xisbigaas.
Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcade, ayaa warsaxaafadeed uu xalay soo saaray wuxuu ku sheegay in xilalkii laga qaaday laba haween ah oo kala ah Ifraax Cumar Xasan oo ahayd guddoomiyihii hore ee garabka haweenka heer qaran iyo Idil Cabdillaahi Giire oo ahayd xoghaye-xigeenkii hore ee garabka haweenka xisbiga Waddani, Waxaana lagu eedeeyay inay ku kaceen khiyaamo xisbi oo ah inay heshiis qarsoodi ah la galeen madaxtooyada.