Cabdiqaadir Jirde Oo Lagu Soo Dhaweeyay Hargeysa

0
485

Picture5Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo masuuliyiin kale ayaa shalay madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ka tirsan golaha wakiilada kana mid ah xisbigaas Waddani.

Md. Cirro ayaa horkacayay masuuliyiinta xisbiga iyo taageerayaal kale oo reer Waddani ah, kuwaas oo madaarka ku qaabilay xildhibaan Jirde oo ka soo noqday dalka Ingiriiska.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, oo hadal kooban jeediyay ayaa yidhi  “Dalkii hooyo ayaan kusoo guryo noqday,Waxaan bogaadinayaa go’aankii ay maxkamada sare soo saartay ee ay cidwalba halkeeda wixii kaga aadanayd ugu sheegtay, waxaan rajeynayaa in xukuumadu ogolaato oo u hogansanaato wixii la farayna fuliso” ayuu yidhi Jirde.

Wuxuu soo dhaweeyay qodobadii ka soo baxay shirkii ay mucaaradku dhawaan qabsadeen, isagoo yidhi “Waxaan taageerayaa go’aankii kasoo baxay shirkii wada tashiga, ee daba socday go’aankaa maxkamada dastuuriga ah, waxaanan filayaa inuu sidiisii kusoo fuli doono khilaafkaasina sidaa kusoo afjarmi doono.”