Dallad Dhallinyaro Oo Casho Sharaf Ku Maamuustay Garsooore Ka Mid Noqday Garsoorka Maxkamada Sare

0
555

Hargeysa(Geeska)-Dalladda dhalliyarada aqoonyahanka ah ee gobalka Hawd ayaa xalay casho sharaf u samaysay Garsoore Yaxye Cali Idiris oo uu Madaxweyne Siilaanyo dhawaan u magacaabay Garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee qaranka.

Casho sharaftan oo ahayd mid ay dhallinyaradani ku maamuuseen garsooraha ayaa waxa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, xildhibaano, siyaasiyiin iyo dhallinyaro aqoonyahan ah iyo salaadiin.

Waxaana munaasibadaas ka hadlay gudoomiyaha Gudida Qaban qaabada Xafladaas Garyaqaan Ayaanle Xaliye oo  sheegay inay xafladan ugu talo galeen Duco iyo Dhiirigalin Garsoorahan isla markaana ay la garab taagan yihiin wuxuuna sheegay in Yaxye yahay Garsoore aqoonyahan ah oo sharciga ku takhasusay isla markaana wax wayn kusoo kordhin doona Cadaalada Soomaliland .

Sidoo kale waxa halkaas ka hadlay Suldaan Cumar Suldaan Maaxmed, Abwaan Ismaaciil-jiheeye, 'Dhalinyaro aqoonyahan ah iyo Siyaasiyiin dhammaantood bogaadiyay garsooraha cusub ee maxkamadda sare loo magacaabay, waxaanay Alle uga baryeen inuu xilka u fududeeyo.

Gudoomiyaha Dalada Aqoonyahanka Agaasime Nageeye Maxamed Xasan oo isna halkaas ka hadlay ayaa  ku dheeraaday kartida iyo aqoonta uu garsoorka u leeyahay Yaxye Cali Idiris wuxuuna kula dardaarmay in uu cadaalada ku dedaalo isla markaana uu ka dheeraado wax kasta oo garsooranimadiisa iyo dhexdhexaadnimadiisa wax yeelaya ugu danbayn waxa xafladaas ka mahad celiyey Garsoore Yaxye Cali Idiris wuxuuna dalbaday in loo duceeyo in ilaahay xilkaas u fudaydiyo .