Xisbiga WADDANI Oo Taageerayaashiisa Ugu Baaqay Go’aan Ay Ku Sheegeen Mid ‘Qadhaadh’

0
508

Hargeysa (Geeska) – Xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI, ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in ay mudaharaad u diyaar garoobaan, kadib markii wada-hadalladii doorashadu guuldaraysteen.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa qoraal uu ku baahiyay Internet-ka ku yidhi “Taageereyaasha xisbiga waxa aanu u sheegaynaa in ay  u diyaar garoobaan go’aan qadhaadh.”

Xoghayaha ayaa sheegay in ay galeen wada-hadalo ay ogaayeen in aan guul laga gaadhi doonin, isla-markaana ay ixtiraameen ergadii ka koobnayd haldoorka bulshada, si loo helo Somaliland nabada “Si loo helo Somaliland ah qaran nabada oo leh nidaam dowladeed shuruucda iyo xeerarku hagaan,  waxa aannu aqbalnay in mudanta iyo haldoorka qaybaha kala duwan ee ummadani ay xal nala raadiyaan, taas oo aannu ku galnay wada-hadallo aannu ognahay natiijo la’aanta ay ku dhammaanayaan” ayuu yidhi Khadar.

Waxa uu sheegay in dhibaatadu ka taagan tahay Madaxweynihii oo doonaya in uu Somaliland dhibaateeyo, waxaana uu sheeegay in ay in badan ka meer meerayeen in ay dhibaato dhacdo, laakiin maanta ay diyaar u yihiin.

“Waxaa caddaatay in ayaandarrada haysata maandeeq ay tahay ninkii isagu dheefteedana keli ku ahaa oo haddana doonaya in uu bahalaha u baylihiyo. Haddii aannu in badan ka hor taagnaynaa, maanta waa aanu la qaadannay, karis xun Iyana ku wax la” ayuu yidhi Khadar.

Wada-hadalladii u socday xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa guuldaro ku soo dhamaaday Salaasadii Toddobaadkan, iyaga oo mucaaradku sheegeen in  Madaxweyne Biixi uu ka baxay wadahadalka.

Geeska.net/Hargeisa Office