Sheekh Cismaan Cali Xuseen Oo Bulshada Somaliland U Diray Farriin ‘Wacdi Iyo Waano Ah’

0
533

Hargeysa (Geeska)-Sheekh Cismaan Cali Xuseen oo ka mid ah Culimada waaweyn ee dalka, ayaa ku taliyey in qof walba akhiradiisa ilaashado, oo uu ALLE ka cabsiga badiyo, kana dheerado wax kastoo hor imanaya akhiradiisa.

Sheekh Cismaan Cali Xuseen wuxuu sidoo kale ka hadlay geerida ku timid Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro), oo isna ka mid ahaa Culimada waaweyn, waxaanu yidhi “Diinta xaqa ah ee Islaamka ayuu ALLE inagu nimceeyey, Nabigeenuna waa Nabiga iyo basharka ugu qiimaha badan ee ALLE uu abuuray, ee diinteena sharafta leh aynu ilaashano, oo saliga Rasuulkeena aynu badino, oo ALLE ka cabsiga aynu badino, oo marnaba bariyada ALLE yeynaan ka daalin, oo cibaabadooyinka ALLE inafu faral yeelay aynu ilaalino, dirigiisana aynu joogtayno, akhiradeena si ay u hagaagto cibaadooyinka ALLE inagu adoonsaday aynu ilaalashano, ALLENA waxaynu ka baryeynaa inuu dadkeena muslimka ahi meel kastoo ay joogaan uu inoo naxaristo, waa inay cabsida ILLAAHAY qalbiyadeena ku weynaata, oo aynu mar kasta xasuusnaana in qabri, qiyaame iyo xisaab inaga dambeeyaan, dhalinyaro iyo waayeelbana waxaan leeyahay ha la ilaaliyo salaadaha, soonka, saqadaha, dhaqanka suuban u samafalka waalidka iyo ka dheerahanashaha laqwiga”

Mar uu ka hadlaayey geerida ku timid Sheekh Aadan Siiro wuxuu yidhi “Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro),oo ka mid ahaa Culimada, waxaana marka hore ALLE uga baryayaa inuu u naxariisto, oo qabriga uga dhigo beer ka mid ah beeraha jannada, inuu janatul fardawsa ka waraabiyo, Culimada, Shacabka, Ehelka, Qaraabada, Qoyska iyo Caruurta uu ka baxayna uu, samir iyo imaan dhammaanteen inaga wada siiyo, Sheekh Aadan oo ka mid ahaa Culimada  khayrka ayuu umadda  fari jiray, samahana, wanaaga, iyo khayrkana uu ka talin jiray, xaqii baa u yimid, halkaas uu maray ayeynu wada maraynaa, geeriduna waa xaq, ee ALLE isaga iyo dadkeena muslimiinta ah ee inaga geeridooday ha u naxariisto“

 

Geeska.net/Hargeisa Office