Xisbiga Waddani Oo Soo Dhaweeyay Go’aankii Wakiilada

0
553

Picture5Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Axmed Muumin Seed ayaa Golaha Wakiilada ku amaanay mooshinka ay ku laaleen wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera, waxaanu sheegay inay guteen waajibkii looga baahnaa, waxaanu Xukuumadda ku eedayey nidaam daro iyo maamul xumo.

 Guddoomiye ku xigeenka XIsbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo sheegay in isaga iyo Cabdiraxmaan Cirro ay diyaar u yihiin in lagula tartamo Musharaxnimada Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga dhexdiisa, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan “Diidmadaas Wakiilada, waxa aan u arkaa arin guul ah oo aanu taageersan ahay, Golaha Wakiiladuna waajibkoodii ayey guteen, waana arin looga fadhiyey, waana sababihii loo doortay in arin noocaas oo kale ah ka hor tagaan, dadka waxa la tusaayey Shirkado gaar loo leeyahay  oo muwaadiniin ah, laakiin wax badan ayaa ku  laabnaa, waxaana culayskaasi uu dhib ku yahay bulshada, iyada oo Maanta aynu wada ognahay Biyo yaraanta taagan, Waddo xumada jirta, Shaqo la’aanta baahsan ee jirta, dadkoodii ayeyna Wakiiladu u hiiliyeen, anagu ka Xisbi ahaana waanu taageersan ahay”.

Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani mar uu ka hadlaayey Xukuumaddan iyo Xukuumaddii hore ayaa  yidhi “Warshadihii Laydhka ee Hargeysa iyo Berbera waa la wareejiyey, wax Golaha Wakiilada la soo mariyey oo la xalaalayeyna ma jirto, waxa jira  maamul xumo, waxa la dareemaya in hogaankii dalku khal-khal ku jiro iyo  in aanay Madaxweynaha taladdii dalku gacanta ugu wada jirin,sababta oo ah wax aan Barlamaanka la marin waa  xaaran, Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale waxba may wareejin, balse waxa lagu xaman jiray in Lacagta Dekadu si toos ah Madaxtooyada ugu soo dhacdo, balse Dekada lafteedii ayaa imika la wareejinayaa, balse Maanta Golaha Wakiilada waa loo ducaynayaa, waxaana u ducaynayaa umadda reer Somaliland oo dhan”.

Axmed Muumin Seed ayaa mar uu ka hadlay musharaxnimada Madaxweyne iyo ku xigeen ee XIsbiga Waddani ayaa yidhi “Aniga iyo Cabdiraxmaan Cirro, waxa aanu nahay Musharixiin, cida Xisbiga dhexdeeda nagula tartamaysana diyaar ayaanu u nahay, inkasta oo aan wali la gaadhin, Xisbigana Waddanina waa Xisbi Qaran, oo cidii ILLAAHAY u qoray ayaa calfan doonta”.