Hargeysa(Geeska):-Xisbiga Mucaradka ah ee WADDANI ayaa si adag uga hadlay warar sheegayey in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka hor intii aanu dalka ka dhoofin uu Wasiiradiisa kula sii dardaarmay in ay ilaaliyaan dhaqdhaqaaqyada uu samaynaayo Xisbiga WADDANI.Sida oo kalena waxaa ay sheegeen in musuqmasuq baahsan uu hadheeyey Madaarka Caasimada Hargeysa.
Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga WADDANI Eng:Cabdirashiid Maxamuud Cali(Riyo-raac) oo Shalay shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Xisbiga ee Magaalada Hargeysa ayaa ku eedeeyey xukuumada Madaxweyne Siilaanyo in ay lacag u adeegsanayso sidii ay u ilaalin lahayd isla mar ahaantaana ay doonayso in ay dagaal kula gasho muwaadiniinta doonaya in ay rabitaankooda iyo mabda ooda meesha ay doonayaan la maraan,waxaana uu tibaaxay in ay Wasaarada Maaliyada Somaliland ay hanta badan ku bixinayso sidii ay dadkaasi dagaal ugula gali lahayd in ay rabitaankooda ay meesha ay doonayaan mariyaan.
"Xukuumada si wanaagsan ayaanu ula soconaa oo ceebteeda maaha ee waa caadadeeda musuqmaasuqa ragaadiyey oo waxaanu ognahay in Umadda hantideedii oo lagu bixiyey oo dhaqaale badan uu ku baxay oo ay Wasaarada maaliyadu ay u furtay Khasnada in lagula dagaalamo qofka muwaadinka ah ee doonaya in uu mustaqbalkiisa iyo mabda'iisa uu meesha rabo uu la maro,In la iibsado oo dadka lacag lagaga joojiyo rabi taankooda oo lagula dagaalamo,markaa maaha wax ku cusub Xukuumadan KULMIYE oo waa wax ay caadaysatay in ay samayso”Ayuu yidhi Eng:Cabdirashiid Maxamuud Cali
Eng:Cabdirashiid Riyaraac oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu tibaaxay in ay ka Xisbi ahaan ay dareen san yihiin in Madaxweyne Siilaanyo uu Wasiiradiisa ku sii amray in la ilaaliyo dhaqdhaqaaqyada uu samaynaayo Xisbiga WADDANI,Isaga oo carabka ku adkeeyey in aanay mabda’a shacabka aanay lacag kaga hor istaagi karayn in ay hiigsadaan meesha ay doonayaan waxaana uu yidhi:“Laakiin waxaanu idiin xaqiijinaynaa oo aanu idiin cadaynaynaa in aanay shacabkan aanay maanta ku celin karayn lacag waxaana ay Xukuumadani ay baabi'isay wax kasta oo ay shacabkani ay hiigsanayeen,Anagu waanu dareenay oo dhaqdhaqaaqu waa uu badan yahay oo waxaad ogtihiin in ay durba Wasiiradii ay yidhaahdeen Xisbiga WADDANI dhaqdhaqaaqiisa ilaaliya laakiin waxaanu leenahay sida uu madaxweynuhuu uu kag tagay ama warbaahinta ka soo baxaysa uu Wasiiro kaga tagay oo Xisbiga WADDANI gaadhka sii haya sidii oo uu yahay cid xuduud ka soo talow day ama aanu sharci wadanka ku haysan Xisbiga WADDANI ,malaha waxaanu ogayn wasiirku in aan Wasiiradiisu waxna ilaalin karin waxna hadli karin iyaga oo aan cid khaasa Fasax ka qaadanin"
Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI waxaa uu sida oo kale uu sheegay in madaarka Caasimada Hargeysa uu ka jiro musuqmaasuq baahsani,waxaana uu carabka ku dhuftay in Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland uu dhaqankiisii noqday in uu daydayo meel ay lacagi ka soo galayso,balse aanay ka fekerin waxyaabaha baahiyaha aasaasiga ah ee ay umaddu ubaahantahay.
"Horta dee waa aynu ognahay dhibta madaarka ka jirta,waxaa aynu ognahay haddii ay hal diyaaradi fadhido ta kale waa la wareejiyaa oo waxaa la yidhaahdaa hawada wareeg maalin walbana waxaa la fura boodh yar iyo mutula yar oo ay shirikadi ay meel ka dhigtay ayaa la furaa,waxaa aynu ognahay in 10-Million oo lacaga lagu cunay hore oo aan meel lagaga waramo lahayn,waxaa aynu ognahay hadana markii ay ceebtaasi soo baxday ay dib u carareen nimankii waxaas sameeyey o dawladihii Kuwayt dib ugu noqdeen oo lacag danbe la soo siiyey midna mahayno,waxaa kale oo aynu ognahay in Wasaaradii duulista iyo hawada la'iibiyey $850,000 dollar la siiyey deedna $200 lagu dhisay aqalyar oo laba dabaqa een $600,000 ee kalena aan lahayn meel ay mareen,markaa goobtaasi waa goobtii uu musuqmaasuqu ku habsaday ee Wadanka xoolihiisii lagu dhacay,waxaana ay ila tahay diyaar uma aha hadaanay dee waxani ka aqoon darro ahayn,waxaanan filayaa in ay aqoon darro ka tahay oo aanay garanaynba wax yaabaha ay baahidu ay tahay”
Ugu danbayntii Eng:Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) waxaa uu sheegay in aanay ka Xisbi ahaan aanay wasaarad u arag dhismaha uu madaxweyne Siilaanyo Xadhiga ka jaray ee Wasaarada Duulista iyo Hawada Somaliland looga dhisay madaarka agtiisa,waxaana uu tilmaamay in qaran ahaan ay ceeb inagu tahay in dhisme wasaarada looga dhiso meeshii loogu adeegi lahaa dadka duulimaadyada samaynaya,sida oo kalena waxaa uu ugu baaqay in ay dadka u sameeyaan xafiis ku yaala suuqa oo ay dadku soo gaadhi karaan.
“Daartan la furay anagu uma aragno Wasaarad,Wasaaradna halkaas dee lagama dhiso hadduu caqligu shaqaynayo,wasaarad waxaa laga dhisaa meesha ay dadka ugu adeegi lahayd,Xafiiskii duulista weeye in Wasaarad lagu sheegaana waa inagu ceeb qaranimo ayaa ay ceeb inoogu tahay ,waxaan odhan lahayn Wasaarada hadaad gurigeedii aad iibiseen dee Guriyar uga kireeya suuqa dhexdiisa oo umaddu ay gaadhi karto ilayn dadku diyaarado maaha oo duulimaayaane,maxay Airpot-ka y ka doonayaan dadku halkaana (Aviationka) siiya,waxaan kale oo aan sheegaya Birtan yar ee la samaystay,dee horta birtan yar dee wax waynbaa ay ka dhigayaanee aduunyada meesha yar ee baabuurta la dhigto ee gaarka ah ayaa lagu taagaa laakiin waxaan idiin sheegayaa wasiirka duulista iyo hawadu waxaad moodaa in had iyo jeer ay qadiyadiisu ay u socoto ama ay u dhanto meesha lacag laga helo oo waakan kaadh yar ayaa dadka dibada Kun lagaga qaadaa,Biryar ayaa la samysanaya,gidaar walba lacag baa laga doonayaa maqaamkii Wasiirnimo iyo Wasaaradeedba waa ay ka baxday waxan uu samaynayaa,waxaanu leenahay wax badan ayaan sharci ahayn,dalku sharci aya uu leeyahay baarlamaanbaa uu leeyahay oo waa in ay martaa shuruucda,waa in ay martaa Baarlamaanka oo la xalaahadaa,Kow waa xaaraan in dadka lacag laga qaadaa waa xaaraan aan sharci lahayn,Mar labaadkana Haykalkii dawladnimo iyo Wasiirnimo iyo nidaamki Airport-imo ay u eekaato meel sidii makhaayad lacag lagu urursanayo iyana waa ceeb qaran"Ayuu yidhi Eng:Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac).