Guddida Joogtada Ah Ee Guurtida Oo Warbaahinta kala Hadlay Joojinta Wararka Xanafta Leh Ee Beelaha

0
760

Picture2Hargeysa(Geeska):-Gudida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta kulan isxogwaraysi ah la yeelatay warbaahinta Dawlada iyo kuwa Gaarka loo leeyahay.Waxaana Kulankan oo ay u jeedadiisu ahayd sidii ay warbaahintu u joojin lahayd baahinta wararka xanafta leh ee wata magaca qabiilka kuwaasi oo  abuuri kara in ay isku dhacaan dadku, muddooyinkii danbena si aada ugu soo badanaayey  warbaahinta gaar ahaan Tv-yada,ayaa ay Muddanayaasha Guurtidu ka codsadeen in ay warbaahintu ka taxadirto in ay baahiyaan warar wata magac qabiil. Kulankan oo uu shir gudoominaayey Gudoominaayey guddoomiye ku xigeenka gudida joogtada ah Mudane Muuse Xaaji,ayaa waxaa ay sheegeen in ay warbaahintu ay udub dhaxaad u tahay ka qayb qaadashada sidii loo joojin lahaa wararka noocan oo kale ah sida oo kalena bulshada looga wacyi galin lahaa xumaanta ay leedahay qabyaaladu.  “ Meesha waxa taala sideebaynu arintan wax uga qaban karaa?, Anaga waxaad nagu ogaydeen Sharci inaanu dejino,laakiin Sharciga inaanad dejin, waa inaad ogaataa dadku siday u arkayaan iyo siday u qaadanayaan. Muhiimada ugu weyni waxa weeya idinka ayaa udub dhexeed arinkii u ah, oo cid ogaan mayso afar qof oo meel afka isa saaray oo yidhi Reer Hebel aan cambaarayno, cidi ogaan mayso ilaa uu TV tago, markaana warkii wuxuu gaadhayaa caalamkoo dhan. Nin jooga Copen hegan ama Waqooyiga America oo Mudi sita oo leh Reer hebel ayaan la dagaalamayaa ayaa halkaana ka muuqanaya oo isna war ka soo diraya.” Ayaa ka mid ahaa hadalka Xildhibaanada Guddida guurtida.

Mudanayaasha kulankan ka soo xaadiray ayaa gabi ahaanba ku booriyey in ay warbaahintu marka ay tabinayaan wararka la xidhiidha baahinta arrimo noocan oo kale ah ay isticmaasho deegaamo halka ay ka isticmaali lahayd magaca qabiilka. “Qabiilku waa mudi laba Aff leh, mid fiican iyo mid xun. Bulshadeenu waa bulsho aan Iclaamka iyo saxaafadda wax badan ka fahan sanayn oo aan aad uga hadlay warbaahinta,waana dad aqoontii iyo wax qoristii ku yar tahay, sidaas darteed Saxaafad ahaan idinkaa Aqoontii leh ee waa inaydaan wax kasta oo la idiin sheego baahin ee aad ku samaysan farsamayn oo aad ka reebtaan wixii dalka, dadka iyo qarankan wax u dhimaya” ayay Mudaneyaasha Guurtidu u soo jeediyeen Wariyeyaasha.