Xisbiga Waddani Oo Si Adag U Naqdiyey Xeerka Diiwaan Gelinta Ee Madaxweynuhu Dhaqan Galiyey

0
549

Picture6Hargeysa(Geeska)Masuuliyiinta Sarsare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo Shalay shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Xisbiga ee Magaalada Hargeysa ayaa si adag u naqdiyey Xeerka  Diiwaangalinta Madaniga ah ee uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) dhawaan dhaqan galiyey. Xoghayaha Guud ee Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo ugu horayn shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in Xeerkaasi uu yahay Sharci darro,waxaana uu ku eedeeyey Madaxweyne Siillaanyo inuu ku tumanaayo Shuruucda dalka Maadaama ay ahayd baa uu yidhi in Xeerkan marka hore la soo mariyo Golaha Wakiilada Kadibna uu Saxeexo Madaxweynuhu, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay "Waxaan doonaynaa in aanu ka hadalno arrimo aad iyo aad u layaab badan oo marba marka ka danbaysa isa soo taraya oo ay xukuumaddu wado oo ay ugu horayso Xeerka diiwaan galinta Madaniga ah ee uu Madaxweynuhu Dhaqan galiyey,waxaanu u aragnaa ka Waddani ahaan in uu Xeerkaasi uu yahay sharci darro,madaxweynuhuna aanu Xaq u lahayn kuna tumanaayo Shuruucdii iyo distoorkii iyo nidaamkii dalkani uu lahaa iyada oo ay ahayd Xeer marka ay tahay in la soo mariyo Golaha wakiilada iyo Golayaasha Qaranka kadibna uu madaxweynahu uu saxeexo”.

Xoghayaha guud ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaasi ku daray in Madaxweynuhu uu xaq u leeyahay in uu sameeyo Xeer nidaamiye balse ay waajib tahay in marka hore uu jiraa xeer laga raacayo Xeer nidaamiyaha lasamaynaayo waxaana uu yidhi “Waxaa ay ku qoreen Xeer nidaamiye; Xeer nidaamiyahu Xeer ayaa uu raacaa waliba Xeer hore oo madaniya oo diiwaan galina oo dalka hore loogu sameeyey,Xeerkan hada ayaa la samaynaayey haddana in Golayaasha la soo mariyo oo kadibna uu Madaxweynuhu uu Xeer nidaamiye sameeyo oo uu tixraaco,laakiin sideeba Madaxweynuhu Xaqbaa uu u leeyahay in uu Xeer nidaamiye soo saare,Wasiirkuna Xaqbaa uu u leeyahay,Laakiin dhibta Jirta in Umadda indhaha laga rido maaha Xeer nidaamiyahan uu Madaxweynuhu soo saaray Xagee ayaa uu tixraacayaa,Xeerka uu tixraacayaa Xaguu yaalaa Goorma ayaa la soo saaray".

Murashaxa  Xisbiga dhexdiisa u tartamaaya in uu noqdo Murashaxa Madaxweyne Ku-Xigeenka ee Xisbiga Waddani Dr Maxamed Cali Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay in ay muuqato ifafaale ay Xukuumadda Siilaanyo ku doonayso in ay Muddo kordhin ku samaysato,waxana uu carabka uu ku dhuftay in Xukuumad ku dhaqmi wayday shuruucda Xisbigeeda u taala aanay dalka hogamin Karin loogana baahan yahay in ay xilka iska wareejiso, waxaanu yidhi "Waa ognahay iyada oo Umadda Somaliland sharaf karaamo iyo qadarinba ay u hayso Guurtida ee Khilaafkii dhex galay Xisbiga Kulmiye Xaliyey,laakiin ma ahayn hawl u taala Guurtida,hawlo badan oo kale ayaa u yaala markaa taasi waxaa ay noqonaysaa hadii  Xisbi Xaakimkii ay khilaafkiisii Guurtidu ay Xalisay oo shuruucdii Xisbiga u taalay aanay tix galinin in aanay Shuruuc kale oo taalaba aanay cidi dan ka la hayn markaa dawladu hadii aanay Shuruucda taala aanay ku dhaqmi karayn ha u gudbiso Guurtida, Guurtidu dalka ha Xukuntee,waxaanu leenahay dawlada uu madaxweynuhu ugu horeeyo madaxweynahu in sharuucda dalka u taala sideeda loogu dhaqmo”.

Dr Maxamed Cali Cabdi oo  hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:“Waxaana imika muuqata marka ifafaalaheedii aan eegno in ulo booc booca loogu tukubayo in Doorashada soo socotana dib loogu dhigo,oo aanay hirgalin taasina Wadanka waxaa ay u horseedi doontaa nidaam darro iyo fawdo aanu wadanku u baahnayn markaa waxaanu codsanaynaa in dawladu ay shuruucda dalka u taala ay ku dhaqanto".