Xisbiga Waddani Oo Sheegay In Madaxweyne Siilaanyo Soo Saaray Warqad Ay Ku Tilmaameen “Been Abuur”

0
552

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed ayaa sheegay inuu ka xun-yahay in Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Iyo qasrigii  dalka looga talinayay inay ka soo baxdo Warqad been abuur ahi. Wuxuu sidaas ku sheegay shirjaraa’id oo uu qabtay.

1

Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed, ayaa waxa uu sheegay in warqadu ku saabsantahay diiwaangelinta Buuhoodle, waxaanu yidhi  “Markii aan joognay Madaxtooyada waxaanu caddeynay, haddii aanu nahay Xisbiga WADDANI inaan marnaba diyaar u ahayn in Gobolada dalka la kala jaro, in Gobolka Buuhoodle SOOL la raaciyo in gaar loogu qabto diwaangelinta, intaas oodhan Xisbiga WADDANI mawqif ayuu ka qaatay. Markii aanu Madaxtooyada joognayna waanu caddeynay, isaga oo qoraal ahna waanu gudbinay.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Waxaan maanta saxaafadda u caddeynayaa oo nasiib-daro ah, warqadaas oo shalay naga soo gaadhay qasriga Madaxtooyada oo uu ku saxeexan-yahay Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo, waxaana warqadan ku qoran inaanu saddexdayada Xisbiba isla-qaadanay in Buuhoodle dib loo dhigo oo Diwaangelinteeda gaar loo qabto.arrinkaasi waa arrin been abuura oo nalaga been abuuray, waa arrin aad iyo aad uga xunahay in Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxtooyadu inay ka soo baxdo war-been abuura, qasrigii dhamaa ee dalka looga talinayay.”Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

Madaxtooyada Somaliland ayaan ka jawaabin eedda xisbiga Waddani ee ku saabsan in madaxtooyadu wanjashay mawqifkii xisbiga Waddani ka qaatay diiwaangelinta Buuhoodle.