“Beeshayda Waxaan Leeyahay, Saddex Gobol baad Degtaane Laandheerinimadiina Muujiya..” Badhasaabka Sool

0
750

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa tilmaamay in dadaal iyo juhdi badan oo ay sameeyeen in Shacabka Gobolka Sool wax  badan fahmeen, haddana ku qanacsan yihiin qaranimada Somaliland, waxaanu xusay in Gobolka Sool, aanu la duruuf ahayn Gobollada kale ee dalka ee loo baahan yahay in la soo gaadhsiiyo. 

Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Diiwaangelinta, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Gobolka Sool, waa Gobol ka mid ah Somaliland, laakiin la duruuf maaha Gobollada kale ee dalka, Gobolka Sool wuxuu u baahan yahay in lala shaqeeyo, oo Somalilandta kale la soo gaadhsiiyo, Shacabka reer Sool hadda Somaliland way ku qanacsan yihiin oo waa dad qaranimada jecel oo muwaadiniin ah,  oo xitaa waa kuwaas oo waxay leeyihiin lacagta giinbaarta ah ha nagala beddelo oo lacagta Somaliland ayey rabaan, dedaal badan oo aanu sameeynay ayaana keenay inay Shacabka Gobolku wax badan fahmaan”.

Mar uu ka hadlayey Diiwaangelinta ayuu yidhi “Maanta waxaa maasha Allaah ah in dadkii rabaan diiwaangelin, in la doorto, waxna doortaan, ilaa Shacabka ku dhaqan Tukaraq ayaa raba diiwaangelinta, tusaale ahaan reer Widhwidh si fiican bay isku diiwaangeliyeen, oo Xildhibaanada Beesha aan ka soo jeedo ee Gobolka Togdheer soo bixistoodu waa foodda, Magaalada Buuhoodle ee Diiwaangelinta laga diiday, raad Xamar ah ayaa ku jira, laakiin wax-garadka deegaankaas waxaan leeyahay wax idiin dhaama Somaliland heli maysaan, ee yaan la idin sirin, Beesha aan ka soo jeedo waxaan leeyahay saddex gobol baad degtaan ee  laandheerinimadiina muujiya oo Somalilandnimada ku qanca, Somaliland cid idinka xigtaana ma jirto, ee aynu Somaliland ku wada qanacno, oo aynu wada ilaashano, Diiwaangelintana aynu wada qaadano’

Geeska.net/Hargeisa Office