Xisbiga Waddani Oo Ka Digay Muddo kordhin La Sameeyo

0
482

Picture5Hargeysa(Geeska):-Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa si adag uga hadley hadal ka soo yeedhay xildhibaan Indho-Indho oo ka mid ah xildhibaanada aqalka guurtida Somaliland kaasi oo sheegay in aanay cid ka abaashaneyn in ay muddo kordhin u sameeyaan xukuumada hada talada haysa marka ay gaadho wakhtigii loo baahdo, waxaana uu sheegay in aanay ka xisbi ahaan marnaba aqbali doonin in muddo kordhin loo sameeyo xukuumada hada talada dalka haysa ee Kulmiye.

Md:Maxamed Cabdilaahi Uurcadde ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay warbaahinta ugu waramaayey magaalada Hargeysa, waxaana uu carabka ku dhuftey in aanay ahayn in nin xilkiisii gudan waayey lagu abaaliyo muddo kordhin.waxaana uu tibaaxay in aanay diyaar u ahayn wax muddo kordhin ah. "Anagu ka xisbi ahaan waxaanu qabnaa horta salaada iyo wax bani Aadam sameeyey wax laysku xidho maaha, aad baanan uga xunahay eraygaa in la isticmaalay. Intaa haddaan taa ku soo dhaafo anagu horta muddo kordhin aanu arkaynaa ma jirto, muddo kordhin in ay wadankan ay ka dhacdo oo aanu diyaar u nahay haddaanu nahay Waddani ma jirto”Ayuu yidhi Uurcadde.

Md:Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay “Haddii aanay duruufta distoorku xadidey aaney iman, taana waa la yaqaana oo waa aafooyin iyo wax la mid ah, waa wax inaga inaga awood badan. oo taas dee duruufbaa tidhi distoorkeenuna waa uu jideeyey, laakiin in laga dhigto nin xilkiisa ka soo bixi waayey in loogu abaal mariyo in muddo kordhin loo sameeyo, oo muddo loogu darro wax aanu aqbalayno maaha, wax wadankana uu diyaar u yahay maaha, waxaanan jecel nahay in doorashadu ay wakhtigeedii ku qabsoonto, hal cishana aan lagu darrin"Ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi Uurcadde.