Cabdillaahi Jawaan Oo Shacbiga Ku Bogaadiyay Curashada Sannadka Cusub Iyo Mawliidka Nebiga CSW

0
513

Picture4Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan) ayaa shacbiga Somaliland ku bogaadiyay curashada sannadka cusub ee 2015 iyo weliba dhalashada Nebigeenii Suubanaa CSW oo ku beegan Sabtida, haddii Alle idmo.

Cabdillaahi, wuxuu yidhi, “Waxaan shacabka Somaliland ku bogaadinayaa oo aan ku hambalyaynayaa curashada sannadka cusub ee 2015 iyo weliba munaasibada dhalashada Nebigeenii suubanaa CSW oo ku beegan Sabtida. Umadda waxaan Alle uga baryayaa inuu sannadka sannadkiisa inagu gaadhsiiyo barwaaqo iyo nabadgelyo.”

Isagoo la hadlaya Suldaan Wabar,  wuxuu yidhi, “Waxaan shacabka ugu baaqayaa ilaalinta nabadgelyada. Suldaan Wabar oo ku jira Buuraha Awdalna, waxaan u sheegayaa inay dadka reer Awdal yihiin kuwii dhisay Somaliland, isagana waxaan ugu baaqayaa inuu khaladka ka soo noqdo oo uu ka shaqeeyo wanaaga Somaliland sidii aanu ku balanay kulankii aanu isku baranay oo ahaa kulan ka dhacay Borama oo aanu gabadh isku weydiisanay. Waxaan Suldaanka  leeyahay waa inaad wanaaga ka shaqaysaa, xukuumaddana waxaan ugu baaqayaa in wixii tabasho ah ee jira la gudo-galo oo la dhameeyo.”